Dalkii ugu horreeyay oo ku gacan sayray shirka IGAD ay ku baaqday ee xiisadda badda

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Sudan ee ay ciidamadu maamulaan ayaa diiday casuumaad la xiriirta in ay ka qeyb-galaan shir madaxeedka dalalka IGAD oo ka dhacaya dalka Uganda.

Shirkaan ayaa waxaa dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, isaga oo markaas ku baaqay in shir deg-deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa qorshuhu yahay in looga jawaabo baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya, hase yeeshe dowladda Sudan ee ciidamadu maamulaan ayaa ka qeyb-gali doonin, halka garabka ay is-hayaan ee RSF uu sheegay in uu ka qeyb-gali doono shirkaasi.

IGAD ayaa marar badan isku dayday inay dhex-dhexaadiso Generaalada isku haya Sudan, hase yeeshe waxaa taasi ka caga jiiday dowladda Burhaan.

Shirka loo madlan yahay 18-ka bishaan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, ayada oo dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Si kastaba, Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door fir-fircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.