Hormuud oo sheegtay inay soo weerareen ciidanka NISA iyo arrin ay ku qasbeen

Muqdisho (Caasimada Online ) – Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud ayaa sheegtay in ciidamada hay’adda NISA ay weerar ku qaadeen xarun kamid ah kuwa shirkadda ee magaalada Muqdisho.

Hormuud ayaa sheegtay in Ciidanka NISA ay maamulkii xarunta ku qasbeen in loo daabaco dhaq-dhaqaaqa EVC Plus, taasi oo ay shirkada ku dooday inay ka hor imaaneyso shuruucda dalka.

“Maamulka Shirkadda ee Xarunta Treebiyano oo cuskanaya shuruucda Dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005).”

Intaasi kadib waxay shirkadda sheegtay in ciidankii soo galay xaruntaas ay geysteen qalqal-gelin iyo ku takrifal awoodeed, islamarkaan ay xabsiga dhigeen saddex kamid ah maamulkii shirkadda.

Hoos ka aqriso qoraalka Hormuud

Shalay oo ahayd Axad, Jannaayo 14, 2024, waxaa Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee Tareebiyaano soo weeraray ciidan hubeysan oo ka socda Hay’adda Nabadsugidda.

Waxa ayna maamulka Xarunta ka dalbadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC Plus, taas oo ka hor imaanaysa shuruucda Dalka.

Maamulka Shirkadda ee Xarunta Treebiyano oo cuskanaya shuruucda Dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005).

Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed.

Waxayna shirkadda falalkaas sharcidarrada ah uga falcelin doontaa si waafaqsan shuruucda iyo maxkamadaha Dalka ee ku shaqada leh.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay Shirkaddu waayahaan la kulmaysay falal amni darro ah oo lagu beegsanayo Xarumaha, gaadiidka, iyo shaqaalaha Shirkadda, falalkaas oo iskugu jiray dilal shaqaale, qarxita xarumaha, iyo gaadiidka Shirkadda.

Ilaalinta xogta macaamiishu waxa ay mar kasta noo leedahay mudnaan iyo muhiimad gaar ah, waana ammaano ay naga go’an tahay in aan ilaalinno, si waafaqsan shuruucda Dalka.

DHAMMAAD