Israel oo duqeysay GAZA iyo dagaal culus oo socda

Gaza (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Gaza Jimcaha maanta ah, iyada oo militariga Israa’iil ay dib u bilaabeen howl-gallada ka dhanka ah Xamaas kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jebiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah oo ay rasaas ku fureen dhulka Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Gaza, iyada oo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza.

Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad-joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Gaza oo ay Israa’iil ka hortagtay.

Xabbad-joojin socotay toddoba maalmood, oo soo bilaabatay 24-kii November oo laba jeer la kordhiyay, ayaa oggolaatay in tobannaan la haystayaal ah oo Gaza lagu haystay lagu beddelo boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah, taasi oo sidoo kale fududaysay gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.

Saacad kahor inta aysan dhicin xabbad joojinta 7 subaxnimo, Israa’iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal laga soo riday Gaza.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas iyo sheegashada mas’uuliyadda gantaalkan.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqaymo cirka iyo madaafiicda ah ku garaacday marinka kadib markii ay dhammaatay xabbad joojinta, oo ay ku jirto magaalada Rafah oo u dhow xadka Masar.