Ra’iisul Wasaare Xamza oo soo fara-geliyay xiisadda Af-Maayga, xilka-na ka qaaday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo fara-geliyay xiisadda ka dhalatay Af-Maayga, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyaha akademiyada cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Xuseen Maax.

Guddoomiye Maax ayaa sida muuqata waxaa galaafatay warqad uu wasiirka caddaaladda iyo dastuurka Soomaaliya uu uga codsanayo in Af-Maayga gebi ahaanba laga tiro Dastuurka Soomaaliya.

Maax ayaa warqadaasi ku dalbaday in Afka May-ga ah in gebi ahaanba laga tiro dastuurka Soomaaliya, oo Maxaa Tiri lagu soo koobo, isaga oo ku tilmaamay Afka May-ga inuu yahay af guri oo aan kamid aheyn afafka si guud Soomaalidu ugu mideysan yihiin.

Arrintan oo xiisad xooggan iyo dood horleh ka dhalisay baraha bulshada ayaa waxaa ugu dambeyntii soo fara-geliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa waxa uu Ismaaciil Yuusuf Cismaan u magacaabay sii-hayaha guddoomiyaha akadeemiyadda cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidaas lagu sheegay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sida muuqata ka carooday tallaabada uu qaaday guddoomiyihii akademiyada cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Xuseen Maax.

Af-Maayga in Dastuurka laga tiro ayaa saacadihii u dambeeyay hadal hayn xooggan dhalisay, iyada oo su’aallo la iska weydiinayay sida suurta-gal ku noqon karto, maadaama la ogyahay in baarlamaanka Soomaaliya qeyb kamid ah ay Xildhibaannada kasoo jeedaan Koonfur Galbeed, oo looga hadlo afka uu dalbaday guddoomiye Maax in gebi ahaanba dastuurka laga saaro.