DENI oo laba tallaabo mid qaadi doona kadib go’aankii Xasan Sheekh ee dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkasta oo ay Puntland horey u sheegtay inay gooni u dhaqmeyso inta laga xalinayo tabashooyinkooda heer federaal, oo u badan gadood xagga Saciid Deni ka jira, haddana markale wararka ka imaanaya Garoowe ay sheegayaan inuu Deni ku hanjabaayo inuu la goosanayo maamulka Puntland.

Saciid Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laheyn xiriir fiican tan iyo markii Xamza Cabdi Barre laga dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Markalena xaaladda ayaa sii xumaatay markii wasaaraddii ugu muhiimsaneyd xubnaha ay Puntland ku leedahay federaalka la siiyay Abshir Huruuse oo Xasan Sheekh wax ka dhistay iyada oo Saciid Deni waxba laga siin xukuumadda.

Waxaana xaaladda sii adkeeyay markii Taliyaha Booliska ka yimid dhanka Jubbaland xilli reer Puntland sugayeen in iyaga la siiyo Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Doodda reer Puntland ee ah inUU madaxweyne Xasan Sheekh saami-qeybsiga qalday ma qarsoona. Saciid Deni iyo maamulkiisa waxay isku dayeen inay Xasan Sheekh ka hor istaagan dhameystirka deyn-cafinta iyo qaadista cuna-qabateynta hubka, waxa kale oo ay siyaasadeeyeen dagaalkii argagixisada, iyaga oo sheegay in Xasan Sheekh uu hubeynayo qabiilkiisa markii uu xoojiyay kacdoonkii Macawiisleyda.

Laakiin Xasan Sheekh howshiisa ayuu iska watay, isaga oo dhameystiray deyn-cafintii, sidoo kalena ku guuleystay in dalka laga qaado cuna-qabateynta hubka, tiiyo dagaalka argagixisada ka keenay guullo aan hore looga keenin.

Markale Deni wuxuu kaarkiisa saartay dastuurka, isaga oo markaan iskaashi ka helaya xubnaha mucaaradka ah ee heer federaal, wuxuuna xoog badan galinaya inuu Xasan Sheekh ka hor istaago dhameystirka dastuurka.

Xubno ku dhowdhow Saciid Deni ayaa laga soo xigtay inay ka fikirayaan ugu yaraan goosasho haddii uu Xasan Sheekh joojin waayo shaqada dastuurka ama uu diido inuu Puntland tallada wax ka siiyo.

Xubno mucaarad ah oo maalmahan waan-waan ka dhex waday Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa sidoo kale iibinaya in laga hortago tallaabada uu rabo inuu Saciid Deni qaado oo noqon karta inuu yiraahdo “Puntland waa la goostay”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hanjabaada Saciid Deni waxba ka soo qaadin intii uu ku jiray dadaallada deyn-cafinta, qaadista cuna-qabateynta hubka iyo dagaalka argagixisada ayaa la ogeyn sida ay hadda u saameyn doonto hanjabaadan cusub, xilli ay Puntland tobankii sano ee ugu dambeysay toos ugu jartay dowladda dhex ee Soomaaliya, balse dhamaan ma gaarsiisneyn inay ku dhawaaqan inay Soomaaliya ka go’aan sida kooxda Saciid Deni ku hareeraysan hadda iibinayaan in lagu dhawaaqo.

Inkasta oo ay u muuqato tallo xumo iyo dariiq la yaqaano dhamaadkiisa oo ay joogto Somaliland, oo 33 sano weysan cid ka dhageysata inay ka go’een Soomaaliya, oo ay taasi cashir ugu filan tahay cid walba oo ka fikireysa inay dalka kala jarto, haddana dad badan ayaa aaminsan in reer Puntland heli karaan waddooyin kale oo ay dowladnimada ku saxaan, xilli ku dhowaad 50 xildhibaan, wasiiro, danjireyaal iyo agaasimeyaal badan ku leeyihiin dowladda dhexe, kuwaasi oo ku filan in haddii ay jirto dood sax ah oo Puntland ay qabto inay miiska geeyaan.

Sida muuqata madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeysanayaa inuu fuliyo mid kamid ah waxyaabihii uu ballan-qaaday xilligii ololaha doorashada oo aheyd inuu dhameystiro dastuurka.

Wuxuu kale oo uu sheegay laba arrimood oo keentay inay dadka badi aqbalaan sida uu ku wado howsha dastuurka, kuwaasi oo kala in aan muddo xileedkiisa la dabaqi doonin qoddobada isbeddelka ku dhaco ee dastuurka iyo in xilli walba wax laga beddeli karo dastuurka balse ay muhiim tahay in laga saaro kumeel-gaarnimada, oo la dhameystiro si dalka uu dastuur u yeesho.

Maadaama aad loo fahamsan yahay in Xasan Sheekh iyo Saciid Deni mowduucyo shaqsi ah isku hayaan, Saciid-na damac uga jiro xukunka Villa Somalia, uma badna inuu jiro siyaasi wax walba u dhigaya sida uu rabo ninka raadinaya kursigiisa.

Waxaana la eegayaa sida uu Saciid Deni u fikirayo haddii uu reer Puntland ku qancin karo iyo waxay u dhali karto in khilaafka isaga iyo Xasan Sheekh uu gaarsiiyo inuu ku dhawaaqo tallaabo goosasho ah.