DF oo amartay ‘in dhakhso looga guuro’ dhul ku yaal XAMAR + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo la xiriira baneynta dhul ay leedahay wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda oo ku yaalla Siinka-dheer ee magaalada Muqdisho.

Dhulkan oo saaran wadada Afgooye ayaa waxay wasaaradda isgaarsiinta ku wargelisay dadka degan dhulkaasi inay ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan, xilli ay soo baxeyso in la isku dayayo in si sharci darro ah lagu iibiyo.

Warqad kasoo baxday wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda oo ujeedkiisu ahaa wargelin ayaa waxay ku wargalisay dadka Soomaaliyeed ee degan gobolka Banaadir iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in dhulkaas uu yahay hanti qaran, islamarkaana uusan beec ahayn.

Sidoo kale waxaa lagu caddeeyay qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay wasaaradda isgaarsiinta in aysana jirin cid loo wakiishay inay iibiso, kirayso ama ay ku manaafacaadsato.

“Iyadoo laga ambaqaadayo digniin ay wasaaradda hore u soo saartay, kuna soo baxday qoraal sumaddiisu aheyd Tix: WIT/XAG/1280/2023, kuna taariikhaysnaa 12/03/20223, waxaan markale ku celinaynaa in dhulka ama hantida ma-guurtada ah ee ku yaal Siinka Dheer R2 ee ay leedahay wasaaradda, uusan beec aheyn, aysanna jirin cid ay wasaaraddu siisay amase u wakiilatay inay iibiso amase kireyso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiiru-dowlaha wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin wax cadeyn ah oo ay bixisay oo ku saabsan in laga maarmay dhulkaasi danta guud ah. Sidaas darteed, wasaaradda ayaa waxay ka codsatay xafiisyada ay quseyso wargelintan kasoo baxday iyo hay’addaha amniga in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu hubin karo ilaalinta sharciyeed ee dhulkaasi danta guud ah.

Amarkan ayaa daba socda mid ay horay wasaaradda isgaarsiinta ay xaaladda dhulkan uga soo saartay digniin, kadib markii ay sheegtay in sifo sharci darro ah lagu iibinayo, maadama uu yahay mid dowladeed.

Si kastaba, si dhab ah looma oga illaa hadda cidda iibineysa dhulkan ay ka digtay wasaaradda, kaasi oo ay hadda dalbatay inay ka guuraan dadka degan, haddii ay ka madax adeygaana ay hay’addaha amniga ay ka qaadaan tallaabo kasta oo lagu hubinayo ilaalinta sharciyeed ee dhulkaasi, oo ah mid dan-guud ah oo ay leedahay wasaaradda isgaarsiinta.