DF oo loo jeediyay inay baarto diyaaradaha ku dhaca dhulka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inay qaado tallaabo ku aadan diyaaradaha inta badan ku dhaca deegaanada ay joogaan Al-Shabaab oo ay shalay u dambeysay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay iyo shaqaalihii saarnaa ay gacan u galeen Al-Shabaab, kadib markii ay ku dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab oo u dhow deegaanka Xiindheere ee gobolka Galguduud.

Diyaaradda oo si khaldan ugu degtay halkaasi ayaa waxaa hadda la sheegay inay Al-Shabaab gubtay, ayna wadatay dadkii saarna oo iskuugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Mahad Wehliye Raan oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha amniga oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka hadlay dhacdooyinkan soo laa laabtay, kadib markii ay dhowr diyaaradood ay siyaabo kala duwan ugu dhaceen dhulka ay ka taliyaan xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Aqoonyahankan ayaa usoo jeediyay dowladda Soomaaliya inay hoos u eegto arrintaas, isla markaana ay ku sameyso baaritaan qoto dheer, si loo ogaado diyaaradahaasi.

“Arrinkan markii ugu horreysay ma’ahan dhowr jeer oo hore ayuu soo noq-noqday, waxaana moodaa inaan weli lagu baraarugin halista ku geedaaman in diyaarado ay ku dhacaan dhulka cadowga, waxaan u arkaa arrin khalad ah, dowladda Soomaaliyana looga baahan yahay inay hoos u eegto” ayuu wareysiga ku yiri falanqeeye Mahad Wehliye Raan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay suuragal tahay in diyaaradahaasi ay sahay iyo saanad u wadaan kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal kula jirto dowladda Soomaaliya.

“Dhul uu risk ka jiro oo dad dagaalamayaal ah ay ku sugan yihiin in diyaarado ay kusoo dhacaan waxay ka dhigan tahay in saanad iyo sahay waxay u baahanaayeen iyaga loo geynayo, waaan su’aal mudan in la’si weydiiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Nimankan waxay hadda dagaal toos ah ku jiraan muddo ka badan hal sano, mana lahan warshad hubka sameyso, su’aashaaas haddii la’is weydiin lahaa waxaa soo bixi lahaa sababta ay diyaaradahaas ugu dhacayaan dhulka Al-Shabaab”.

Ma’aha markii ugu horreysay oo diyaarad ay ku dhacdo dhulka Al-Shabaab, waxayna horay u dhacday dhowr jeer oo hore, taas oo keentay in shaki laga muujiyo waxa soo cel-celiyay.