DF oo shaacisay tirada dagaal-yahano isku soo dhiibay iyo kuwo dhaawac lagu qabtay

Shabeelow (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in koox ka tirsan Al-Shabaab ay isku dhiibtay ciidanka, kadib dagaal culus oo 10 saacadood ka socday koonfurta gobolka Mudug.

Nuqul ka mid ah qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 14 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidanka, iyagoo nabad qaba.

“Waxaa jira maleeshiyaad gaaraya ilaa 14 xubnood, kuwaas oo ay qaldeen horjoogayaasha Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan gobalka Mudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalka sababay in Shabaab-kaan ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda iyo daraawiishta Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Shabeelow ee koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab.

Ugu yaraan 80 Shabaab ah ayaa lagu dilay dagaalkaas, sida ay shaacisay dowladdu, waxaana kooxda laga qabsaday deegaankii lagu dagaalamay ee Shabeelow oo u dhow degaanka Bacaadweyn oo horay looga xoreeyey kooxda.

Ciidanka xoogga dalka ee Danab, daraawiishta Galmudug, ciidan is abaabulay oo dadka deegaanka ah iyo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa weerarkaas ku qaaday Al-Shabaab, sida aan xogta ku helnay waa la hareereeyey kooxda, kadibna halkaas ayaa lagu laayey.

Dowladda Soomaaliya waxay shaacisay inay jiraan xubno nolosha lagu qabtay, iyagoo dhaawac ah oo dagaalamaya “Ciidanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ay qabaanqdhaawacyo,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay DF.

Dhinaca kale, dagaal ka dhex qarxay kooxda Al-Shabaab ayaa sababay inay iska dilaan ugu yaraan 14 dagaalame, kadib markii ay ka war-heleen in rag badan ay qorsheysteen inay ka soo goostaan Al-Shabaab oo isku dhiibaan ciidanka dowladda.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan magaalada Xarardheere ayaa shaaciyay in dagaal xubno ka wada tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan u dhow Xarardheere.

Waxa uu sheegay in xubnahaas uu dagaalka ku dhexmaray duleedka Xarardheere kadib markii 10 xubnood oo kamid ah ay rabeen inay isku soo dhiibaan dowladda, halka kuwa kale ay kasoo horjeedeen go’aankaasi, taasi oo keentay in ay is rasaaseeyan.

“Shalay ugu dambeysay halkan ayay ku dirireen meel aan aad nooga dheereyn, waxaa isoo gaartay in 14 iska dileen. 10 ayaa soo fakatay waa laga daba yimid, tobankiiba waa la dilay oo iyaguna afar ayay dileen dhowr iyo toban kalena wey dhaawaceen,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa rag la yaqaano oo xataa la iisheegay meelihii markii hore ka imaadeen magacyadooda, taasi waxay muujineysa Shabaab jabka iyo niyad xumada ku dhacday.”