DF Soomaaliya oo loo soo jeediyay inay bedesho jihada dagaalka Abiy + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa qoraal cusub kasoo saaray xiisadda weli u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warbixintiisa diirradda ku saaray arrimaha gudaha ee Itoobiya iyo xaaladda adag ee uu hadda wajahayo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in isha lagu hayo wadahallada u socda qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega iyo kuwa la sheegay in ay u socdaan Tigreega iyo Eretrea.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayuu ku eedeeyay inuu wado qar iska tuurnimo wayn, isla markaana uu abuurtay dhibaato gudaha ah iyo mid kale oo dibadda ah.

Isaga oo ka hadlayay xiisadda haatan u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ku guuleystay dagaalka diblumaasiyadeed ee Itoobiya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa usoo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa in haatan ay bedaesha qorshaha lagu wajahayo Abiy iyo xukuumaddiisa.

Hoose ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

Waxaa mudan in isha lagu hayo loolanka iyo isbahaysiyada siyaasadeed ee Itoobiya ka socda, gaar ahaan wadahallada u socda qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega iyo kuwa la sheegay in ay u socdaan Tigreega iyo Eretrea.

Saraakiil sare oo Tigree ah ayaa laga soo xigtay in Abiy Axmad uu ka codsaday in ay ku garab siiyaan weerar uu qorsheynayo in uu Afwerki ku qaado, laakiin ay xilligan qorshahaas ka gaabsadeen.

Abiy ayaa u muuqda in uu siyaasadda gudaha ee dalkiisa ku wado qaybi oo xukun, halka uu dhanka kalana Itoobiya u abuuraya cadow dibadeed iyo damac qaranimo, si uu marna dhexdooda iskugu jeediyo, mar kalana debada ugu jiheeyo. Su’aashuse waxay tahay imisa ayey xeeladani u sii shaqayn karaysaa?

Dawladda Federaalka ah, Abiy waa kaga soo adkaatay diblomaasiyada adduunka iyo tan gobolka, markaan waxaa looga baahanyahay in ay istiraatiijiyad cusub la timaaddo.