DF oo maanta xabsiga kasii deysay ajaaniibtii u badnayd

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xabsi ku yaalla Muqdisho kasii deysay ajaaniib u dhalatay dalka Iran oo kalluumeysato ah, kuwaas oo ay horay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir.

Kalluumeysatadan oo gaareysa illaa 33 ayaa waxaa horay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir oo ku heshay inay si sharci darro ah kusoo galeen xeebaha Soomaaliya.

Sida uu xaqiijiyay safiirka Iran ee Kenya, Ali Gholampour kalluumeysatadan ayaa haatan dib ugu laabanaya dalkooda, maadaama dib loogu celiyay xoriyadooda.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay dhowr sano ka hor.

Ajaanibtaan ayaa waxaa horay looga soo qabtay xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Maxkamadda gobolka waxay horay ugu xukuntay ganaax lacageed oo dhan midkiiba 297 milyan oo Shilin Soomaali ah, una dhiganta 11 kun oo dollar, taas oo wadartooda ay noqoneyso $396 kun.

Sidoo kale waxaa lagu ridday $30 kun oo magdhow ah, taas oo ah kalluunkii ay ka qaateen xeebaha Soomaaliya, isla-markaana la geeyay dalka Cumaan, 29-11-2022-kii.

Si kastaba, xeebaha Soomaaliya ayaa waxaaa sanado badan dhibaato ku hayo maraakiib shisheeye oo si sharci darro ah uga kalluumeysatay xeebaha dalka Soomaaliya.