Dhowrka caqabado iyo fursado ee ku xeeran heshiiskii DF Somalia iyo Juba

Heshiiska Addis Ababa ku dhex maray hoggaamiyayaasha maamul goboleedka Jubbaland iyo xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya todobaadkii hore ayaa looga badbaaday dhibaatooyin siyaasadeed oo ka taagnaa Soomaaliya, balse tanaasulka ay dhinacyadu isu sameeyeen ayaa abuuraya caqabado soo socda.

labada dhinac ayaa August 28-deedii isku raacay dhismaya Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Jubba (IJA), maamulkaa oo ka kooban gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Heshiiska ayaa sidoo kale u aqoonsaday Axmed Maxamed Islaam Madoobemadaxa IJA muddo labo sano oo kumeel gaar ah.

Xukuumadda federaalka ayaa la wareegi doonta maamulka maddaarka iyo dekedda Kismaayo muddo lix bilood ah kadib, markaa oo ay xukuumaddu u magacaabi doonto koox maamuleed iyada oo latashi la samaynaysa maamulka kumeel gaarka ah.

Faahfaahinta dheeriga ah ee heshiiska ayaa lagu dhamaynayaa shir dib-u-heshiisiin ah oo Muqdisho ka dhici doona, sida ay mas’uuliyiintu sheegayaan, inkastoo taariikh rasmi ah aan wali la qaban.

Fikradaha iska soo horjeeda ayaa waxaa kamid ah kuwa soo dhowynaya heshiiska, una arka in uu yahay fursad lagu dhamaynayo khilaafka ka jiray gobolka Jubba, iyada oo isla mar ahaantana uu duruufaha lagama maarmaanka ah u abuurayo dhaqan-galinta hannaanka federaalka ee lagu muransan yahay. Kuwa kasoo horjeeda heshiiska ayaa sheegaya in uu ahaa mid aan loo dhammeeyn.

Fikradaha iska soo horjeeda ayaa laga dheehan karay laba mudaaharaad oo dhowaan la qabtay.

Boqolaal dadka Baydhaba ah ayaa waddooyinka isugu soo baxay 31-dii August iyaga oo ka qeyb galayay dibad-bax ay soo qaban qaabiyeen odayaasha qabaa’ilka iyo maamulka gobolka Bay, iyaga oo sheegayay in ay heshiiskaa dartii xiriirka ugu jarayaan xukuumadda Soomaaliya. Muqdishona, maamulka gobolka Banaadir ayaa 1-dii September soo abaabulay dibadbax lagu taageerayo heshiiska.

Maxamed Ibraahim Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Cilmi Baarista iyo Daraasaadka Carabta ee Qaahira, ayaa sheegay in heshiiska Jubbaland uu guul wayn u ahaa xukuumadda Soomaaliya iyo dadka Jubba waayo waxa uu baajinayaa dagaalla sokeeye oo halkaas ka dhaca, waxaana uu hoos u dhigaya xasaasiyadda Qabiilka.

“Arrimahaas oo dhan in ay xal u hesho waxa ay xukuumadda u tahay fursad weyn oo ay ku horumarin karto dowladnimda,” ayuu  yiri. Dhanka kale, waxa uu sheegay, in ku guul dareysiga in xal lagaaro dhibaatada siyaasadeed ee gobolka ay horseedi karto burburka xukuumadda.

“JJubbaland waxa ay noqotay xiisad siyaasadeed oo dalka oo dhan hareesay” ayuu yiri Cabdi, isaga oo intaa ku daray in heshiiska uu xukuumadda federaalka siinayo waqti ay ku xalliso arrimaha kala dhex taagan Puntland iyo Somaliland.

Bishii hore, ayaa maamulka Puntland waxa uu xirirka u jaray xukuumadda federaalka Soomaaliyaisaga oo ku eedeeyay in ay ku guul darreysatay in ay ilaaliso mabaadi’da dastuurka, iyada oo tusaale ahaan u soo qaadatay xasaradda Jubbaland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale billowday wadahadallo kala dhaxeeya maamul goboleedka Somaliland si looga wada xaajoodo midnimadooda.

Balse heshiiska Jubbaland ayaa gacan ka gaysan kara in la dhammeeyo kala qaybsanaanta ka dhaxaysa maamulka Puntland iyo xukuumadda federaalka, sida uu sheegayo Guddoomiyaha Jilayaasha Aan Dowliga Eheen ee Puntland Nuur Maxamed Nuur.

Heshiis xal looga gaaro arrinta Jubbaland waxa uu noqon karaa hannaan ay xukuumada federaalka kula xaajooto maamullada kale, ayuu yiri.

“Heshiiskan waxa uu waddo u noqon doonaa in la wada xiriiro,” ayuu Nuur  sheegay, isaga oo intaa ku daray, in si heshiiska uu miro dhal u noqdo, ay tahay in ururada bulshada rayidka gobolka Jubba ay dowr muuqda ka cayaaraan hanaanka dib-u-heshiisiinta “iyaga oo isku soo dhowaynaya qabaa’ilka iyaga oo u maraya odeyaasha dhaqanka, culimada iyo dhammaan waaxaha kale ee shacabka”.

Wada xaajood dheeri ah waa lagama maarmaan

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee uu fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sheegay in heshiiska uu tallaabo muhim ah u ahaa dhamaynta xasaradaha siyaasadeed, balse waxa uu machadku ku dhiira galiyay labada qaybood “in ay qoraan qariirad dhaqan-galin ah oo leh jadwal waqtiyeed cad si loo hubiyo in horumar la gaaro, iyo in jiho madax banaan loo saaro la socodka sida labada qaybood ay u fulinayaan heshiiska”.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo isagu kasoo jeeda Kismaayo, ayaa sheegay in xukuumadda ay heshiis la gaartay kaliya qeyb kamid ah dhinacyada isku haya gacan ku haynta Kismaayo.

“Kismaayo waxa ku dagaalay ma ahayn Xukuumadda iyo Axmed Madoobe,” ayuu yiri Jeesoow. “Waxa uu ahaa [dagaal] u dhex yaalay lix nin oo mid walbaa uu sheeganayay madaxweynaha seddexda gobol. Markaa heshiisku waxa uu xadgudub ku ahaa shantii kale ee ka maqneeyd wadahadalka.”

Inta aan la iman miiska wada xaajoodka siyaasadda, waa in dhinacyada mas’uulka ka ahaa dhimashada rayidka Kismaayo waa in lala xisaabtamaa, ayuu yiri Jeesoow.

Jeesoow ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska aannu ka turjumaynin dastuurka maxaa yeelay IJA ma buuxin shuruudaha looga baahanyahay in la sameeyo dowlad goboleed.

Xildhibaan Cabdi-barre Yuusuf ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha Jubbaland iyo xukuumadda federaalka ay wali haystaan fursad ay ku sixi karaan sida ay wax u wadaan, ayna ku raaci karaan dastuurka iyaga oo u maraya labada shir ee dib-u-heshiisiineed ee soo socda.

“Labada shir waa in la isugu keenaa dhammaan dadka ka soo jeeda Jubbooyinka si ay tanaasul isugu sameeyaan, iyada oo la hubinayo in arimaha looga wada hadlayo shirarka dib u heshiisiinta ay ka turjumayaan dastuurka,” ayuu yiri.