Dib u qaabaynta wadooyinka waxa ay muhiim u tahay amniga magaalada Muqdisho

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, xiriirka dhowna  la leh Al-Qaacida aayaa mas’uul ka aheed weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho sanadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayay mas’uuliyiinta dowladda, ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah.

Mid ka mid ah weerarradoodii ugu dhimashada badnaa ayaa ahaa Qarixii bishii Oktoobar 2017, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale. Weerarka ayaa lagu qaaday Isgooyska mashquulka badan ee bartamaha magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay burbur baahsan oo gaaray Hotelada iyo ganacasigii ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay. 

Al-Shabaab ayaa sidoo kale qaaday weeraro badan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayna u adeegsadaan gaadiid walxaha qarxa lagu rakibay. Bishii Janaayo 2021, kooxda ayaa fulisay qarax baabuur oo ka dhacay bar koontarool oo mashquul badan oo ku taala Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale. Bishii Disembar 2019, kooxdu waxay qarax baabuur la beegsatay waddo mashquul badan oo ku taal Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Wasaarada waxbarashada somalia, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 90 qof in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarradan kaliya ma geysan waxyeello jireed iyo burbur laakiin waxay sidoo kale dadka ku abuureen dareen cabsi iyo ammaan darro. 

Laga soo bilaabo 1991 dagaalkii dalka looga saaray dowladii kacaank 21 oktober, Muqdisho waxaa ragaadiyay dagaallo sokeeye, argagixisanimo, faqri iyo kaabayaal dhaqaale oo aan ku filneyn, taasoo keentay in dadka deggan ay nolosha ku adkaato. Caqabadaha ugu waaweyn ee hada magaalada ka jira waxaa ka mid ah burburka wadooyinka tasoo kaliftay in aan la kala xadeeyn dariiqa lugta iyo wadada gaariyaashu isticmali karaan. Caasimada kama jirto wadooyin gaar ah oo loo qoondeeyay Daweynaha, Baaskiilada , qorsheynta isu socodka gaadiidka, iyo waddooyin la calaamadeeyay iyadoo la raacayo nidaamka iyo shuruucda u degsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ilaalinayaana boolish loo taba baray hirgalinta sharciyada wadoyinka.  

Arintan ayaa noqotay mid halis weyn ku ah  amaanka shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaana ay dhaawacday bilicda caasimada Soomaaliya, iyadoo magaalada inta badan loo arko mid argagax badan sababo la xariirka kala soocnaan la,anta gaadika iyo bulshada lamiga isticmaylaysa. 

La’aanta jidad loo qoondeeyay, jidad u calaamadeysan marintaanka dadweynaha , Mooto Bajaajta dhalinyaradu shaqada ka dhigato iyo ciriiriga waddooyinka ayaa u sahlay argagixisadu in ay fuliyaan weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, taasoo qalalaaso, cabsi iyo jahawareer ku abuuray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer muqdisho. Argagaxisada ayaa inta badan gaadiidka u adeegsata sida hub iskuna dhex qariyaan cariiriga iyagoo ka faa,iidaysanaya isku dhexyaaca gaadika, waxaana ka dhasha khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadibna waxaa u sahla,anaanta argagixisadu ineey ka baxsadaan goobta weerarka kadib, taas oo ka dhigaysa mid adag in hay’adaha Amnigu aqoonsadaan danbiilaha oo qabtaan si loosoo hortaago waaxda cadaalada. 

Weerarada al-Shabaab kaliya maaha inay khatar ku yihiin badbaadada nololeed ee muwaadiniinta waxeey abuurtaa burbur hantiyeed,  dhaawaca kaabayaashii dhaqaalaha iyo khasaaro nafeed, taasoo keentay in dadka ay dareemaan cabsi iyo amni darro. 

Cabsida joogtada ah ee argagixisadu waxay u horseedi kartaa muwaadinka walaac, walbahaar, iyo dhaawac, kuwaas oo saameyn waqti dheer ku yeelan kara caafimaadka maskaxda iyo ladnaanta bulshada.  

Hadaba si looga hortago khatarta argagixisada, dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxda gobolka benaadir waa in ay muhiimad gaar ah siisaa horumarinta nidaamka gaadiidka  oo habeysan oo ay ku jiraan waddooyin gaar ah iyo jidad u calaamadaysan Isticmaalka shacabka lugaynaya iyo gaadiidka. 

Isku dhexyaaca gaadiidka ayaa adkeynaya in la garto gaariga ay argagixisadu adeegsaneyso dadka caadiga ah, taasoo badanaa  keeni karta in ciidamada ammaanka ay si qaldan u beegsadaan dadka aan waxba galabsan. Tilaabooyinkaas  waxay dhaawici kartaa sumcadda hay’adaha amniga, waxayna abuuri kartaa khilaaf u dhexeeya dowladda iyo shacabka.  

Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in dowladdu ay fuliso siyaasadaha mudnaanta siinaya badbaadada iyo badqabka dadka rayidka ah iyadoo sidoo kale tixgelinaysa baahida loo qabo tallaabooyin wax ku ool ah sida dib u hagaajinta wadooyinka iyo fulinta sharciga isticmaalka wadada. 

Intaa waxaa dheer, waxaa muhiim ah in ciidamada ammaanku ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si loo dhiso kalsoonida iyo taageerada iyo in la hubiyo in ficilada laamaha amnigu ay noqdaan kuwo sharciga waafaqsan oo u adeega danaha dadweynaha. Waxaa muhiim ah in Gobolka benadir dowlada Somalia  ay wax ka qabtaan caqabadahaas oo ay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa bulsho amni iyo nabad kunool.

Dhanka kale laamiyada iyo waddooyinka calaamadeysan kaliya ma kordhinayaan badbaadada iyo ammaanka dadka laakiin sidoo kale waxay wanaajiyaan tayada guud iyo bilicda Magaalada. Dadka lugeynaya ayaa si xor ah u socon kara iyaga oo aan ka baqeynin in baabuurtu jiiraan, waxaana darawalada baabuurta iyo kuwa Bajaajta oo maalin walba la kulma khataro isugu jira toogasho iyo dhimasho in ay si habsami leh u dhex maraan magaalada, taas oo yareyneysa ciriiriga waddooyinka iyo socodka gaadiidka.

Gabagabadii, La,aanta Waddooyin cayiman iyo Waddooyin calaamadeysan oo laga hirgaliy Muqdisho ayaa ka dhigtay in magaalada ay u nuglaato weerarrada Argagixiso, taasoo qalalaaso, cabsi iyo jahawareer ku abuuray shacabka. 

Si loo gaaro himilooyinka amniga  caasimadda, mowqifka Madaxweynaha ee ciribtirka alshabaab waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado halka ay salka ku hayso dhibaatada, lana qaado tallaabooyinka ku habboon , taasoo lagu gaari karo in la raaco wadadii lagu heli lahaa nabad iyo amni waara oo ay helaan shacabka Muqdisho. Tallaabooyinkan oo la qaado waxaan aminsanahay, dowladdu waxay abuuri kartaa Muqdisho  ammaan badan oo mudnaanta koowaad siinaysa  bad-qabka shacabkeeda. 

Qoraaga Axmed C/laahi Maxamed oo loo yaqaan Axmed Kaobole, waa khabiir ku takhasusay cilmiga siyaasadda, isagoo si gaar ah diiradda u saaray amniga iyo maareynta dhibaatooyinka. Waxa uu shahaado ka qaatay jaamacadda difaaca Sweden ee ku taal magaalada Stockholm ee dalka Sweden.