Dokumenti CIA: Dagaalka Somaliland iyo Puntland iyo qorshihii gumeysiga 1948

Qaw (Bender Ziyaadda), Boosaasana gumeysi ayaan ka dhaxalnay miyey dhihi lahaayeen? Somaliland waxay leedahay Ingiriiskii ayaan ka dhaxalnay, Puntland-na waxay leedahay anaga ayay nagu beel yihiin. Waa Tukaraq, Sool.

Qoraal sir ah oo CIA keydisay 1948, 12 sanno ka hor xurriyadda ayaa sharxaya qaabka xudduud beeleedka British Somaliland iyo Italian Somaliland ay u abuuraan iyo dannaha laga lahaa.

Gumeysiga asagoo qeybinaya dhulka Soomaaliyeed, dhacayana kheyraadka dalka ayuu hadda isticmaalayay luuqad uu ku muujinayo in beel gaar ah uu dannaheeda ka shaqaynayo si ay u taageerto.

Qoraalkaan sirta ah waxaa ku cad in Ingiriiska markii uu ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka uu damcay in uu ku soo durko Koonfurta, uuna ka codsaday wafdigii afarta quwadood ee adduunka “Four Power Commission of Investigation” in xudduudda British Somaliland iyo Italian Somaliland laga dhigo Bender Ziyaadda oo Boosaaso u dhow.

Sida dhabta ee ku qoran qoraalkaan, codsigaas wuxuu ku salaysnaa sabab muuqata (1- beelo u kala hiillin ah), iyo sabab daahsoon (2- oo dhaqaale iyo ciidan ah) :

1- Abuurridda marin toos ah oo ay sahaydu u marto.

Protocolkii May 5, 1894 ee ay laba gumeysi ku kala qeybsadeen xudduudda waxay maraysay cirifka 49th dhanka waqooyi galbeed. Markii la ogaaday in Bender Ziyaadda ay xudduudda Ingiriiska martay, ayay haddana heshiis kale wada galeen laba dhinac March 19, 1907 taasoo lagu go’aansaday in Bendar Ziyaadda ay ka mid noqoto qeybta Talyaaniga kaddib markii uu beesha halkaas degganayd ka dhaadhiciyay in aan kala jarin, jufada Bender Ziyaadda degtana loogu darin British Somaliland. Talyaaniga markaas kaddib wuxuu sammeeyay dhul ballaarsi ayagoo sheegtay illaa iyo Hais oo 5KM dhanka waqooyi ka xigta Bender Qaasim. Labadoodaba heshiiskii waa ka baxeen. Talyaaniga wuxuu ku dooday in aan beesha Majeerteen la kala jarin, halka Ingiriiska uu sheegayo in baceedda uga soo degta Berbera ay si iska daba wareeg ah Hargeysa iyo Ceerigaabo ku gaarto ayadoo laga wareejinayo magaalooyin kale sidaas darteedna Bender Ziyaadda uu doonnayo si beesha Warsangeli dhaqdhaaq dhaqaale loogu sahlo.

CIA oo qodobadaas falanqaynaysa waxay muujisay in marmarsiiyada Britain aysan sax wada ahayn ayadoo sharxaysa inta KM ee ka jarmaysa masaafada marinka Bendar Ziyaadda iyo Ceerigaabo.

2- Boob Kheyraadka iyo dhufeys

Saddex qodob oo qarsoonnaa ayay CIA-da sheegtay in dhab ahaan la isku heysto:

b- CIA waxay sheegtay in galaangalka Britian uu yahay mid dagaal iyo awood ballaarsasho. Markaasi Bender Ziyaadda waxay ahayd meel diyaarado ay ka degi iyo duuli karaan ayadoo aan si rasmi ah u ahayn garoon diraayad ahayn. Sidoo kale waxaa ku yaalla saddex dhufeys iyo saldhig ciidan oo Talyaanigu dhisay.

t- Bender Ziyaadda waxaa ceegaaga macdan fara badan oo ku fadhida 50 KM, oo isugu jirta, dahab, maar iyo qalin. Sidoo kale Laas Baar oo dahab.

j- Kalluumaysi oo ay halkaas ka wadday shirkad Talyaani ah in lala wareego, kaddibna halkaas laga hirgeliyo warshad bacaysa kalluunka.

Inkastoo waxa ay Ingiriiska iyo Talyaaniga isku heysteyn uu ahaa dhul Soomaaliyeed xadayntiisa, si ay kheyraadka u dhacaan ama danahooda u difaacdaan haddana si ay taageero uga helaan beelaha qaar, waxay u muujinayeen in ay dahanooda ka shaqaynayaan.

Ingiriis oo leh Warsangeli ayaan dhaqaale u abuuraynaa, halka Talyaani uu leeyahay Majeerteen lama kala jari karo.

2018, xudduuddii sidaas ku sameysantay ayay Somaliland leedahay, laba dowladood ayaan kala ahayn, Puntland-na beel ahaan ayay u sheegataa.

Maryooley waa isku caqli jiilba jiil. Caqligii 1948, 70 sannadood kaddib weli waa sidiisa.

W/Q: Hassan Adam Hosow