Donald Trump oo laga qaaday xasaanada madaxweyne hore – Maxaa xiga?

Washington (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka qaaday xasaanadii madaxweyne hore, waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashadii Mareykanka ee 2020.

Trump ayaa ku andacoodey in kiis sharciyeed taariikhi ah uu ka badbaadi karo eedeymaha dambiyada ah ee lagu soo oogay, isagoo soo bandhigay falal uu sheegay in ay ku dhaceen shaqadiisa madaxweynenimo.

Hasayeeshee xukunka maanta ka soo baxay maxkamadda Washington DC ayaa meesha ka saaray sheegashada iyo doodaha Donald Trump.

Go’aanka maxkamadeed ee maanta soo baxay wuxuu dib u dhac ku yahay Trump oo sanado badan soo xiganayay xasaanadda madaxweyne hore, isagoo la dagaallamaya kiisas badan.

Donald Trump ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaato xukunka, taas oo la micno ah in kiiska uu ugu dambeyntii u gudbi karo maxkamadda sare, halkaas oo muxaafidku ay ku heystaan aqlabiyad 6-3 ah.

La-taliye sare Jack Smith ayaa Trump oo 77 jir ah ku soo oogay dacwad ah in uu maleegayay in uu meesha ka saaro guushii Joe Biden ee doorashadii 2020 iyo in uu sameeyay wax isdaba marin, si uu xafiiska u sii joogo.

Maxkamadeynta Donald Trump ayaa markii hore loo qorsheeyay 4-ta Maarso, laakiin dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo go’aanka dacwadda xasaanadda oo maanta uu dhacay xukunkii ugu horeeyey oo racfaan uu ka qaadan karo.

Waxay dib u dhici kartaa in go’aankaas la gaaro dhowr toddobaad haddii aysan bilo noqon, wuxuuna kiiskaan ku soo dhamaanayaa Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka.