26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Doorashada dhalanteedka ah iyo caqabadaha ku gedaaman

By Gaashaan Saciid Cabdi
Bookmark
Bookmarked

Share

In ka badan 20 sano ayay Soomaaliya ku taamaysay inay ka gudubto nidaamka awoodqeybsiga qabaa’ilka ee 4.5 una gudubto hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka. Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee lagu dhawaaqday ay in dhacaan maalinta Khamiista ee 25-ka December waa dhalanteed siyaasadeed oo xukuumaddu ku dooneyso boob kale oo ku wahan masiirka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Marka aad si miyir leh u eegto doorasho-ku-sheegga xukuumadda, waxaad garowsaneysaa in ay ka fog tahay xor iyo xalaal, oo hadafkooda dhabta ahi uu yahay in ay toshaan “shaati” ama sameystaan “ruqsad” ay xukunka kusii joogaan si aan waafaqsaneyn dastuurka dalka.

Dabcan wax uga fiicnaan lahaa ma jirto shacabka Soomaaliyeed in ay helaan doorasho iyo nidaam caadil ah oo ay afkaartooda iyo codkooda ku muujiyaan cidda markaas ay doonayaan in ay xukunka ku tasho, oo markaas si aqlabiyad iyo dimuqraadiyad leh la isku doorto. Laakiin xaqiiqda jirta iyo waaqica Soomaaliya maanta sidaas ma ahan.

Nuqulkan waxaan ku qiimeyn doonaa xaaladaha ku gedaaman doorashada la-tuhunsan yahay ee xukuumadda, anagoo ka eegeyna dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo sharciyadda. Waxaan ku soo gunnaanadi doonaa tallooyin iyo dabcan sida marxaladan looga bixi karo si looga badbaado qalalaase siyaasadeed iyo dibu-dhac baahsan oo saameyn kara geedi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.

Sida ay ku andacootay xukuumadda, doorashooyinka golaha deegaanka waxay ka dhacayaan degmooyinkii jiray ka hor 1991-kii, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in dalku galay isbeddel weyn mudaddii burburka taas oo wax ka badan ka beddeshay tirsiga degmooyinka iyo gobolada dalka. Tusaale ahaan, Gobolka Banaadir wuxuu ka koobnaa 16 degmo oo keliya burburkii ka hor. Dhawr degmo oo ku soo korortay gobolka, sida degmada Kaxda, Garasbaaley, Deyniile iyo Daarusalaam, misena waxaa cad in aysan jirin hannaan iyo qorshe ay shacabka degmooyinkaas ay ku muujiyaan codkooda.

Tirada guud ee degmooyinkii dalka ka jiray ka hor 1991-kii waxay ahayd 92 degmo. Marka la eego inta gacanta Dawladda Federaalka ku hayso, waxa ay si toos ah u maamushaa oo keliya 29 degmo. Taas waxay u dhigantaa qiyaastii 27% degmooyinka dalka. Sidaas darteed, in ka badan 70% degmooyinka dalka waxa ay ka maqan yihiin gacan-ku-haynta dawladda, mana jirto xaalad suurtagelinaysa in laga qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Tusaale, gobollada sida Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sanaag, iyo qaybo badan oo ka tirsan Bari, Nugaal, Shabeelooyinka, Mudug, Baay, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka, dawladdu saamayn siyaasadeed kuma laha. Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah: sidee bay xukuumad gacanta ku haysa wax ka yar saddex-meelood meel dalka u sheegan kartaa inay matalayso rabitaanka guud ee shacabka Soomaaliyeed, xataa waa haddii aan iska indha tirno dhammaan caqabadaha kale ee hannaanka doorashada ku xeeran? 

Amniga

Inkasta oo marar badan la sheegayo in ammaanku soo hagaagayo, gaar ahaan gobolka Banaadir, haddana xaqiiqadu waa mid ka duwan sida ay dawladdu u dhigtay. Degmooyin badan oo lagu daray jadwalka doorashada ma laha amni buuxa. Deegaanno dawladdu sheegato inay maamusho, dadku kuma dhiirran karaan in ay ka qaybgalaan doorasho sababtoo ah waxa ay ka baqayaan in Al-Shabaab ay beegsato. Jubadda Dhexe weli waa gacanta Al-Shabaab, halka degmooyin badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay xaaladdoodu liidato, culeys badanna ay saareen argagixisada Al Shabaab. Doorasho qof iyo cod ah lama qaban karo iyada oo aan la hubin badqabka iyo amniga qofka codeynaya.

Dagaalkii ay xukuumadda iclaamisay saddex sano ka hor waxa uu kusoo dhammaaday fashil, waana sababta keentay in asbuucan ay argagixisadu qabsato deegaan istaraatiiji ah oo lagu magacaabo Nuur-Dugle, halkaas oo teed-difaac oo muhiim ah u aheyd degmooyinka Ceeldheer, Jowhar iyo Warshiikh.

Xaaladda Dhaqaalaha Dalka

Tirsiga ururada ku hodmay isdiiwaangelinta waa 61 urur siyaasadeed. Intooda badan ururadan ma heystaan dhaqaale ay ku hawlgalaan si u helaan codbixiyeyaal ama xubno taageersan falsafadooda siyaasadeed oo ay ku xisaabtami karaan.  Sababtuna waa in dalka uu ka jiro saboolnimo iyo fakhri baahsan, taas oo ay ugu wacan tahay shaqo la’aanta iyo dhaqaalaha dalka oo aad u liita. Waxaan ognahay in doorasho macna leh ay u baahan tahay olole ballaaran, wacyigelin iyo aaladdo saamaxaya in ururada siyaasadeed ku gudbiyaan fariimahooda siyaasadeed. Sida muuqata, hawlahaas suuragal uma ahan xisbiyadda isdiiwaangeliyay marka laga reebo midka talada dalka haya ee Cadaaladda iyo Wadajirka ee loo soo gaabiyo JSP.

Dhanka kale markaan ka eegno, waxaa isna wallaaca jira sii kordhinaya sharciga lagu murransan yahay ee Doorashada, kaas oo ku khasbaya urur walba in uu musharaxiintiisa ka soo gudbiyo degmo kasta oo ka tirsan gobolka Banaadir (16 guud ahaan). Degmooyinka oo u kala soocan A iyo B, hadana urur walba waxaa laga doonayaa in uu soo gudbiyo musharaxiin ku dhow 400 oo qof. Marka la isku daro kharashaadka diiwaangelinta ($100 qofkiiba) iyo warqadda dambi-la’aanta ee CID ($20 qofkiiba), urur walba waxaa ku waajib ah inuu bixiyo ugu yaraan $48,000, taas oo aan suuragal aheyn markaad eegto wacyiga jira ee dhaqaalaha ururada siyaasadda. Sidaas awgeed, hannaankan ma aha mid fursad siinaya tartan xor ah, balse waa qaab si ula kac ah ugu hiilinaya xisbiga JSP.

Guddiga Doorashooyinka

Waxaan shaki ku jirin in guddiga xukuumadda u sameysatay in uu ka arrimiyo hannaanka doorashada uu yahay mid lagu mursan yahay, oo aan marnaba dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha doorashooyinka. Laga soo bilaabo hannaanka iyo soo xulista xubnaha, ilaa sharciga guddiga, dhammaantood waxaa ka taagan dood culus oo salka ku heysa hufnaanta guddiga, mana jiraan dadaalo ay xukuumaddu ku bixisay sidii ay uga garaabi laheyd xal-u-helida arrimahaas.

Dhaqdhaqaaqyada guddiga iyo hoggaankiisa ayaa dalka sii galinaya marxalad abuureysa sii kala fogaansho siyaasadeed, maadaama lagu soo xulay hannaan ku dhisan eex, nin-jecleysi iyo ku-tagrifal awoodeed. Halkii laga filayay guddi madax-bannaan oo ilaaliya hufnaanta nidaamka caddaaladda iyo sharafta codka muwaadinka, waxa dalka loo keenay koox aan haba yaraatee u qalmin (xitaa markaad eegto waaya-aragnimadooda shaqo) masuuliyadda masiiriga ah ee ay sheeganayso inay hayso. Fashilka intaas le’eg wuxuu ka dhigan yahay in garsoorihii doorashada uu isku beddalay tartame, taas oo aflagaado ku ah caqliga iyo dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ka sii anfariir badan taas in gebi ahaanba uusan jirin dhabbo caddaaladdeed oo madaxbanaan oo lagu xaliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada. Aan si kale u dhigno, ma jirto maxkamad dastuuri ah oo madaxbanaan isla markaana awood u leh in ay kala saarto xisbiyada iyo ururadda siyaasadda, gaar ahaan, markii ay timaado khilaaf salka ku haya boob iyo ku-shubasho codadka ah.  Maadaama hay’adihii garsoorka aysan jirin, waxa meesha ka baxaya suuragalnimada doorasho ku dhisan xor iyo xalaal, waana sababta keentay in xisbiga JSP uu sameysto isbaarooyin/jigdooyo oo uu gaboodfalladiisa ku xalaaleysto mustaqbalka dhow. Xataa nidaam ahaan, Wasaaraddii Arrimaha Gudaha oo ahayd in ay noqoto kor-joogaha hannaanka doorasho waxay isu beddeshay hay’ad magac-u-yaal ah, oo ka weecatay doorkeedii dastuuriga ahaa.

Nidaamka iyo qalabka doorashada ayaa ah kuwa ay dawladdu iskeed usoo iibsatay, oo aan laheyn wax isla xisaabtan ah. Xisbiyo dhowr ah oo isku tagay ayaa arrintan ka keenay cabasho ku aaddan in “system audit” lagu sameeyo ama la tijaabiyo hufnaanta xog-keydiyaha doorashada, balse xukuumadda iyo xisbiga JSP waxba kama soo qaadin, dhagna jalaq uma siin. Dhammaan arrimahan waxay muujinayaan in dalka lagu hoggaaminayo doorasho dhalanteed ah, loona abaabulay in natiijada ka soo baxda lagu qasbo shacabka Soomaaliyeed.  

Doorka Xisbiga JSP

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka wuxuu si toos ah uga mid noqday caqabadaha ugu waaweyn ee wiiqay hufnaanta Doorashooyinka Golaha Deegaanka. Sababta ugu weyn waxay tahay in ururkan ay si buuxda ugu milmeen madaxda ugu sarreysa dawladda, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, iyo madaxda maamul-goboleedyada wakhtigoodu/ruqsadii ka dhacday ay ka mid yihiin, sida Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari. Isgaashaanbuursigan kakala socda dawladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ayaa sababay khilaafyo gudaha ah iyo muran bannaanka u soo baxay, sida is-qabsigii murashaxnimada ee dhex maray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo guddoomiyihii hore Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo sidoo kale dhacdooyinkii ka dhacay Galmudug oo ugu dambayn horseeday in maamulkaasi qaadaco Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Galmudug.

Xisbiga JSP ayaa si joogto ah u adeegsaday hantida dawladda, shaqaalaha hay’adaha qaranka, iyo agabka Gobolka Banaadir, gaar ahaan gaadiidka dawladda. Arrintan waxaa cadeyn u ah in magaalada Muqdisho si maxfal ah loogu arkay gaadiid tiro badan oo ay ku xardhan yihiin astaanta iyo magaca Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka, taas oo muujinaysa ku-takri-fal awood iyo hanti qaran. Marka aan dib u milicsano dhaqanka xisbiga JSP, wuxuu ku tusayaa ififaalo muujinaya dariiqii uu maray xisbigii dawladii militeriga ee dalka ka arrimisay 21 sano, lana oran jiray Xisbiga Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party). Doorashayooinkii uu xisbigaas dalka ka fuliyay dhammaantood waxay ahaayeen dhalanteed iyo been-abuur, mana jirin tartan furan oo u dhexeeya xisbiyo ama hufnaan ku dhisan xor iyo xalaal.

Saameynta Musuqa ee Doorashada

Soomaaliya nidaamka dawladnimo ee ka jira wuxuu had iyo jeer kaalinta koowaad ka galaa halbeegga lagu cabiro musuqa dawladaha adduunka. Dhaqanka musuqa ayaan aheyn mid uu ka madaxbanaan yahay guddiga doorashada ee lagu muransan yahay. Saxaafadda xorta ah ayaa dhawr jeer baahisay dad lagu khasbay is-diiwaan-gelin, halka kaararka codbixinta la qorsheeyay aan laga helin goobihii loogu talagalay, taas oo shaki weyn gelisay daahfurnaanta nidaamka. 

Waxaa sidoo kale dhacay caburin toos ah oo lagu beegsaday ururrada mucaaradka ah qaar ka mid ah. Bishii November shanteeda ee sanadkan, waxaa degmada Yaaqshiid asagoo ololeynaya lagu xiray gudoomiyaha Xisbiga Madalsan, Mukhtaar Feeradaar, oona lagu soo eedeeyay in uu wax ka sheegay xisbiga JSP, oo uu ku tilmaamay xisbi bulshada Muqdisho barakicin baaxad leh u geystay. Wasiirka Amniga Gudaha, C/laahi Shiikh Ismaaciil, oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Anaga hadaan Xisbiga JSP nahay guryo ma dumino.” Waa arrin xaqiiqda ka fog in la yiraahdo xukuumadda talada dalka heysa ma aysan barakicin 142,000 oo qooys, oo ah xogta saxda ah aan ka xiganeyno UNHCR iyo NRC, kuwaas oo ku tilmaamay “government-evicted, land reclamations” oo aheyd mudadii xukuumaddan ay jirtay.  

Guddiga Doorashooyinku wuxuu si kala duwan ula dhaqmaa ururrada siyaasadeed, iyadoo ururro gaar ah loo fududeeyo hannaanka, halka kuwo kalena si bareer ah loogu adkeeyo hannaanka. Xogaha jira waxay tilmaamayaan in degmooyin gaar ah loo qoondeeyay ururro gaar ah, isla markaana kaarar codbixineed loo leexinayo kooxo heshiisyo gaar ah la leh Guddiga. Sidoo kale, shirkadda loo xilsaaray audit-ka doorashada, Sirti-Trust, lama marin hannaanka iibka qaranka ama tartan furan, taas oo sii xoojisay shakiga ku aaddan daahfurnaanta natiijada.

Waxaa intaas barbar socda kutumasho bareer ah oo lagu sameeyay sharciga lagu-muransan yahay ee Doorashooyinka. Qodobka 21-aad (F) wuxuu mamnuucayaa in mas’uul xil dawladdeed haya uu u tartamo Doorashooyinka Dawladda Hoose, halka Qodobka 36-aad uu si cad u diidayo in shaqaalaha dawladda, ciidamada qalabka sida, iyo xubnaha hay’adaha madaxa-bannaan ay tartamaan iyaga oo aan shaqada ka ruqseysan lix bilood ka hor. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiin ku magacaaban xilal ayaa cod-dheer ku muujiyay in ay musharaxnimo u taagan yihiin iyaga oo aan weli si rasmi ah uga tagin xilkoodii.

Maxaa xal ah?

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in aan wakhti la iskaga lumin doorashada dhalanteedka ah ee loo madlan yahay maalinta Khamiista ah ee 25-ka December, 2025. Sababtuna waxay tahay in uusan jirin jawi saamaxaya in doorasho xor iyo xalaal ah la qabto, maadaama shuruudihii looga baahnaa aan wali la buuxin.  Taas macnaheedu waa in marka hore dawladdu dib u hanato deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha nabad-diidka ah, lana helo is-afgarad siyaasadeed oo u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada (gaar ahaan, kuwa ka biyo-diidan doorashada lagu muransan yahay) oo ku aaddan, guud ahaan, hannaanka doorashooyinka. Sidoo kale, waa lama huraan in la hirgeliyo Maxkamadda Dastuuriga ah sida uu dastuurka qabo, lana magacaabo guddi doorasho iyo guddi khilaafaad xallin oo  madax-bannaan, si loo hubiyo in muran kasta lagu xalliyo sharci, lagana hortago ku-takri-fal awoodeed. 

Ugu dambeyntii, dimuqraadiyad dhab ah waxay ku imaan kartaa markii uu jiro heshiis bulsho, dhab-u-heshiisiin qaran, wacyigelin dadweyne, iyo qorshe doorasho oo horey loo sii diyaariyo. Soomaaliya waa in ay ka gudubtaa doorasho qoosh-qoosh ah oo lagu doonayo sadbursi. Taas badalkeed, doorashooyinka waa in laga soo shaqeeyaa dhawr sano ka hor inta aan la hirgelin, halkii laga sugi lahaa dhammaadka muddo-xileedkeeda xukuumadda markaas jirta, si looga fogaado shaki ah in hannaanka loo adeegsanayo dano gaar ah. Si kale haddaan u dhigno, doorashadu waa inay noqotaa mid u adeegta rabitaanka shacabka, ee aan u ekaan “shaati” ay xukuumaddu isku toshay, sababtoo ah doorasho aan loo wada sinnayn ma suurageliso sharciyad (governing mandate) mana dhisto dawladnimo waarta.

W/Q: Gaashaan Saciid Cabdi
Qoraa iyo Baare Madaxbannaan
E-mail: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

- Advertisement -

Read more

Local News