Doorashada USA: Guusha Trump ama Joe Biden maxay uga dhigan tahay dunida?

Maalinta Talaadada ee November 3, 2020 muwaaddiniinta Mareykanka ee aan weli codkoodii bixin ayaa u dareeri doonaa goobaha codbixinta. Donald Trump oo ah madaxweyne xilfadhiya oo shacbiyad lixaad leh ku yeeshay fulinta ballanqaadkii dib u soo kabista dhaqaalaha, ayaa wajahaya Joe Biden oo ah siyaasi ruugcaddaa oo ku ololneynaya in maamulku ku fashilay maareynta caabuqa safmareenka ah “Covid-19” ee ilaa hadda dilay tiro ku dhawaad rubac malyan   (230,ooo) qof oo Mareykan ah.

Madaxweyne Donald Trump oo ay muuqato inuu baac dheer yahay musharrax Joe Biden marka lays barbar dhigo xamaasadda taageerayaasha, ayaa dadka da’da ah oo kolkii hore doortay iyo kuwa madow oo badankoodii Heleray Clinton u codbixin ayaa muuqda inay u weecdeen dhinka Biden. Wax weyn ma kala tira badna taageerayaasha labada xisbi Jambuuriga iyo Dimuqraaddigaba, balse waxaa doorashooyinka dhinac u rida codbixiyeyaasha loo yaqaan kuwa “madaxabannaan.”

Sida muuqata hoggaanka xisbiga Dimuqraaddiga waxuu bartilmaamsanayaa inuu dib ula soo noqdo seddaxdii gobol ee kolkii hore laga boobay (Michigan, Wisconsin iyo Pennsylvania). Taas waxay ka dhigan tahay in lagu biyo keenay xisbiga Jamhuuriga, lagana yaabo inay lumiyaan mid ama ka badan xubnaha aqalka sare ee gobollada Arizona, Georgia iyo Nord Carolina.

Ma sahlana in si sax ah loo saadaaliyo natiijada doorashada, inkastoo ilaa hadda ay codkoodii bixiyeen dad kor u dhaafay 90 malyan oo u dhigma saddex meelood laba meel codbixiyeyaashii 2016kii. Walwalka taagan ayaa ah inaan la hubin odorasyaashu inaysan ku dhici doonin qaladaadkii doorashadii hore (2016), inkastoo sanadkaan ay yar tahay codbixiyeyaasha aan weli go’aansan dhanka codkoodu u dhacayo.

Maqaalka uu Thomas Friedman ku qoray wargeyska New York Times asagoo ka walwalsan dimuqraadiyadda dalkiisa ayuu ku yiri, “codayn xor ah iyo xalaal ah, iyo rajada ah in si nabad ah xukunka loo wareejiyo ayaa labadaba su’aal ka taagan tahay.” Madaxweyne Trump ayaa siyaabo kala duwan u sarbeebay in dib loo doorto mooye uusan si sahlan awoodda u wareejin doonin. Taas waxuu micnaheedu yahay in laysla aadi doono maxkamad dibna loo tiri doono codbixinta isu dhowaata ee gobollada qaarkood.

Siyaabo badan ayaa doorashada Mareykanka u saamayneysaa dunida. Afar sanadood oo dheeraad ah inuu helo Trump waxay ka dhigan tahay in Maraykanku dib uga gurto taageerada caalamka xilli dunida u baahan tahay hawlgalkiisa. Dalalka Shiinaha, Iraan, Midowga Yurub waxay u arkayaan inuu yahay qof aan la saadaalin karin. Aragtidaas mid ka duwan waxaa qaba dalalka Hindiya, Ruusha, Khaliijka Carbeed, iyo kuwo kale. 

Si kastaba ha ahaate, Maraykan waxaa ka hirgashay dimuqraadiyadda ugu da’da weyn dunida, walow jawiga qaranka ay soo wajahday cabsi dhalin karta rabshado tijaabo gelisa Dimoqraadiyada.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid