Doorasho qof iyo cod ma laga qaban karaa Soomaaliya 2026?

Marka dib loo raaco taariikhda doorahooyinka Soomaaliya waxaa kuu soo baxaya in mar waliba horay loo soconayey, lana qaadayey tallaabo geesinimo leh iyadoo ay jirto cabsi aad u weyn oo laga baqayey in la fashilo, waana dareenka aadanaha inuu ka cabsado wixii cusub iyo in laga guuro hannaan la qabatimo bilo yarba ha noqdee qabatinkaas. 

Mar waliba waxaa sii xoogeysaneyey sharcinimada wakiillada shacbiga ka imaneyey siina yeelanayey xaq wakiilnimo iyo metalaad intii hore ka weyn oo ay codkooda ku imanayeen tiro intii hore ka badan.

Baarlamanka 11-aad ee hadda fadhiyaa waa kii ugu wanaagsanaa marka dhinaca metelaadda laga eego loona fiiriyo dhinaca sharcinimada ee dalka soo maro ilaa burburkii, waxaana taas kuu xaqiijinaya marka ay doortaan hoggaanka dalka oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ah saacadda la dhaariyo ayaa cid waliba u hogaansameysay ilaa laga gaarayo dhammaadka muddo xileedkiisa. Mana jirin cid muran ka keentay madaxweyne la doortay ilaa carta.  

Haddaba maanta waa in tallaabo geesinimo leh horay loo qaadaa oo lagu dhiiradaa doorasho qof iyo cod ah oo laga gudbaa inay teendhadii loo noqdo. Teendhada ma ahayn wax xun laakiin ma ahayn goolka ugu dambeeya ee ay umadda Soomaaliyeed higsaneysay, waxaana na geyneysay waxay ahayd waxa ugu wanaagsan ee aan heli karnay, laakiin maanta waxaa la awoodaa in la helo wax ka wanaagsan haddii xoogaa daacadnimo iyo geesinimo la isku daro.

Dowladdii tan ka horreysay way ku dhawaaqday inay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, dadkana hamuun weyn ayey u qabaan doorasho ay dadka soo doortaan kuwa ayaga matalaya, balse waxay hawsha ku dhaqaaqday markii uu ka dhacay muddo xileedkii loo igmaday inay dalka hogaamiso, go’aanno masiiri ahna qaadana karto. 

Dowladdaan uu hogaaminayo Madaxweyney Xasan Sheekh waxay hawshaan soo bilowday maalintii ay hogaanka dalka la wareegtay, oo waxay u hawlgashay sidii waddada loogu xaari lahaa in horay loo socdo oo aan teendhada lagu noqon.

Tallaabooyinka la qaaday ee lagu diirsan karo ee doorashada jidka u xaaraya waxaa ka mid ah: 

1- Ammaanka wax weyn ayaa laga qabtay oo maanta magalooyin dhowr ah ayaa sanduuqyo cod bixineed la dhigi karaa. 

2- Awoodda iyo tayada Ciidamada oo la kordhiyey, tan oo keeneysa in si fiican loo sugu karo ammaanka goobaha loo asteeyo in sanaadiiq la mid kii madaxdweynayasha lagu soo dooranayey la dhigo kadibna ay ka dhalato sharcinimda iyo aqbalaadda shacbiga wakiillada ku yimaada sanuud dhalo ah.

3- Dastuurka oo la waafajiyey doorasho qof iyo cod, kan keenaya inay doorashada lagu qabto hanaan sharciyeysan iyada uu barlamanka iyo dowladda dhameystirayaan dhamaan shuruucda loo baahan yahay si ay dorashad qof iyo cod noogu qabsanto sida uga wanaagsan ee aan kari karno.

4- Siyaasadda Dibadda iyo Dunida oo magac iyo taageero badan laga kasbaday lana hubo in laga helayo taageero aqoon, tababarro, talo iyo hanti lagu suurageliyo doorasho qof iyo cod haddii ay wax naga dhinnaadaan dhaqaalaha xagiisa. 

5- Madaxda qaranka oo ay ka go’an tahay in la taabbo geliyo doorasho ka wanaagsan tii u dambeysay, kuna caddeyd ballanqaadkii lagu doortay.  

Dowladdaan waxaa u dhiman muddo xileed dhan laba sano oo wax badan lagu qaban karo haddii loo soo jeesto, waxaana muuqata in hadda loo soo jeestay.

Mar waliba waxaa horay loo qaadayey tallaabo ka wanaagsan doorashadii lagu yimid oo tiro intii hore ka badan ayaa wax lagu dooranayey, haddan hammigaas ayaa si cad uga muuqda dowladdaan, waana in lagu taageeraa.

Ma noqon doontaa doorasho lagu wada qanco oo ay wax waliba u dhan yihiin? maya waana yar tahay meel ay ka jirto doorasho lagu qanco. Mar waliba qolaa wax tabata inta badanna waa qolada laga guuleysto, tanna laga filimaayo inay noqoto wadar ogol. Wadar ogolna waxaa ku dhaga dadka aan rabin in wax laga badalo xaaladda lagu sugan yahay (the status quo). Dunida wadar ogol ma shaqeyso mana loo abuurinba inay ahaato, waxaasa lagu kala baxaa cod dheeri iyo kala badnaan. 

Sidaas darteed, doorasho qof iyo cod waa laga qaban karaa Soomaaliya, ma aha in tuulo walba la dhigi sanduuq waxaasa sanduuq la dhigi karaa magaalo madax kastaa iyo magaalo kasta oo amaan ah, waxaana ka qeyb gali kara doorkaan kumaanaan qof taas oo kor u qaadeysa tayada iyo kartida xildhibanadda ay shacbiga toos u soo dooranayaan kuwaas oo ku imanaya rabitaanka shacbiga, waana guul weyn inay canshuur bixiyayaasha soo doortaan cidda ku mataleysa goloyaasha dowladda.  

Arrintaan waxay keeneysaa in ay siyaasadda soo doontaa dhallinyarada hadda bannaanka lagu haro ee uu horjoogo oday dhaqameed iyo siyaasi qabiil ku nool ah, dalkuna waxaa uu heli doonaa dhallinyadii berito hogaamin lahayd sida dunida kale ay hogaamiyaan dhallinyaro dalkooda iyo dadkooda u kacay. 

Dolwaddan waa inaysan lumin fursadaan dahabiga ah, waana loo hawl galaa dhameystirka waxyaabaha yaryar ee uu ismaandhaafka ka jiro oo inta badan u badan u badan dano gaar ah, balsa loo gudbo taabbagelinta ballanqaadkii hogaanka dalka ee ahaa inaan Teendhadii loo noqoneyn.

W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.