Fallanqeyn sharci: Ma loo baahnaa sharcigii ay DF ku burisay heshiiskii BADDA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharci noociisa uusan aad u badnayn in la arko oo lagu burriyey kii ay todobaad ka hor wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya ee ay isku dhaafsadeen dhul badeed iyo aqoonsi.

Sharciga oo ka kooban 7 qodob waxaa ugu muhiimsan qodobkiisa 1aad oo ah kan lagu burriyey heshiiska, soona koobay nuxurka oo dhan.

“Heshiiska isafgarad ee dhex maray dawladda Ioobiya iyo Somaliland ee Janaayo 1, 2024 lagu gaaray magaalada Addis Ababa waa waxba kama jiraan aan lahayn saldhig sharciyeed, maadaama uu ka hor imaanayo dastuurka dalka, shuruucda caalamiga ah oo ay ka mid yihiin axdiga Qaramada midoobay, Axdiga midowga Afrika iyo xeerka lagu aasaasay urur goboleedka IGAD, iyo qaraarrada caalamiga ah ee Golaha amaanka oo xeerinaya madaxbanaanida dalka, iyo xeerka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya iy shuruucda kale ee dalka u degsan.”

Haddaba aragtiyo kala duwan oo xagga sharciga ah ayaa laga bixiyey sharcigaas iyo waxa ku dhex jira.

Dr. Axmed Cali Kheyre waa sharciyaqaan jooga magaalada Muqdisho, wuxuuna qabaa in aan loo baahnayn “wax sharci ah in la soo saaro maadaama sharciyadda guud ee matalaadda dalka iyo dadka ay haysato dawladda Federaalka”.

“Midda hore waxay tahay, labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya dastuurka ayaa awood u siinaya in ay shuruuc soo saaraan, kadibna waa in madaxweynuhu saxiixo oo faafinta rasmiga ah lagu qoro. Midda labaad oo ah heshiiska ay galeen Somaliland iyo Itoobiya waa heshiis aan laga soo qaadi karin wax jira oo aan saamayn sharci ah lahayn, sidaa darteed, aniga aragtidayda, looma baahnayn in baarlamaanku soo saaro sharcigan, laakinse dadaal ayey ka wadaan,” ayuu yiri Kheyre.

Kheyre wuxu ku adkaystay in “Soomaaliya ay dawladda Soomaaliya ama ciddii ay wakiilato oo kaliya ay heshiis u geli karto”.

Wuxuu dooddiisa sii raaciyey in heshiisyada laba loo kala qaado “heshiis sax ah oo u baahan in la burriyo iyo heshiis aan jirin oo laga soo qaadayo inuusan dhicin,” wuxuuna ku tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid aan lahayn saamayn sharciyeed oo aan loo baahnayn in la burriyo.

Isla arrintaas ayaan u bandhignay Guuleed Axmed Dafac oo ah sharciyaqaan deggan magaalada Hargeysa. Wuxuu isagu soo bandhigay laba weji “Midi waa sharciyaddiisa dhanka Soomaaliya oo iyadu la aqoonsan yahay, ayna doonayso in baarlamaankeedu diiddan yahay oo uusan raalli ka ahayn”.

Wuxuu intaa ku sii daray “Haddii Itoobiya ay doonayso in ay ciidankeeda soo galiso, dawladda Somaliland-na ay sidaa ogoshahay, heshiiskaas ma joojin karaayo sababtoo ah xagga xukunka waxaa gacanta ku haysa Somaliland, sidaa awgeed isma hortaagi karayso, laakinse mowqifkeeda sharci ayey dawladda Soomaaliya ku caddaynaysaa,” ayuu yiri Guuleed Dafac.

“Caalamku wuu la saftaa mar walba dalka sharciyadda leh ee la aqoonsan yahay, go’aamadeedana wax bay uga tartaa, dhinaca labaadna, cidda markaas xukunka gacanta ku haysa ayada ayaa awood u leh wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya inay samayso, dawladda Soomaaliyana waxay lumisay xaggii xukunka 1991 markii dawladdii dhexe burburtay, markaasi waxa Somaliland gudaheeda ka socda itaal ay ku joojiso ma leh” ayuu sii raaciyey Guuleed isagoo sheegay inay yihiin laba dhinac oo doodaya oo muransan.

Laakinse arrintaas uu Guuleed Dafac sheegay waxaa aragti ka duwan qaba Axmed Cali Kheyre, wuxuuna aaminsan yahay in sharciga soo saaristiisa iyo fulintiisa ay kala duwan yihiin “sharciga isagoo jira ayaa haddana la jabiyaa micnuhuna ma aha inuusan jirin sharciga sida in qof si sharci darro ah loo dilo waxba uma dhimayso jiritaanka sharciga”.

“Somaliland waxay sheegteen inay go’een laakin adduunyada xuduudihii Soomaaliya sidoodii ayey u aqoonsan yihiin, Somaliyana waxaa xaq u siinaya qodobka 54 ee dastuurka oo dawladda awood u siinaya arrimaha difaaca, siyaasadda, lacagta, iyo socdaalka, ayada ayaana mas’uul ka ah”.

Mar ay BBC weydiisay Kheyre bal in ay dhici karto in talaabadan ay irridda u furto in maamul goboleedyada si gaar ah loo fiiriyo heshiisyada aysan dawladda federaalka la ogayn ee ay galaan wuxu yiri “Haddii dawladda awoodeedu aysan dalka oo dhan wada gaarin (De facto), sharci ahaan ayey ku gaartaa (dejure)” ayuu yiri.

Tan iyo markii 1dii Janaayo heshiiska looga dhawaaqay Addis Ababa, Soomaaliya waxay wadday dadaallo diblomaasiyadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah ayadoo heshiiskaas aad uga soo horjeesatay, halka madaxda Somaliland-na ay ku doodayeen in ay xaq u leeyihiin inay galaan heshiis ay ictiraaf ku helayaan.