Farqiga u dhaxeeya hadalkii Xasan Sheekh ee 2015 iyo go’aanka maanta ee DF

Laba sannadood iyo bar oo la isku maaweelinayay Hiigsiga 2016, oo ay laf dhabar u ahayd in doorasho guud oo qof iyo cod ah la qabto kaddib, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay VOA July 2015 ayaa sheegay in caqabado jira darteed aan doorasho hal qof iyo hal cod la qaban karin 2016, balse ay ka tashan doonaan sida wax loo dooran doono.

Qirashadiisa in aysan doorasho suura gal ahayn waxay ahayd lama huraan, balse siyaasiyiinta qaar kuma dhiiran kari lahayn in wax ay u arkaan fashil siyaasadeed ay fagaare ka qirtaan. Qirasho keliya kuma joojinee wuu ka dhabeeyay in uu wada tashi geliyo habka ugu habboon ee uu kala guur nabad ah ku dhici karro. Kala guurkii si nabad ah oo guul ah buu u dhacay.

Labadii sannadood iyo barkii hadda waa la joogaa. Maamulka Farmaajo hindise sharciyeed doorasho oo qof walba oo doorasho iyo xaalka dalka wada fahamsan, uusan qaabka uu yahay hadda ku oggolaan karin ayay ansixiyeen, maamulada qaar iyo xisbiyada durba diideen ayadoo aan la ogeyn wuxuu ka dhihi doonno baarlammaanka labadiisa aqal.

Laba sanno iyo bar ku dhowaad doorashadii dhacday kaddib, duruufihii iyo caqabadihii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sheekeeyay in ay sii adkaadaan mooyee waxba iskama beddelin.

Sharciga oo u eg mid si aan hore loo arag isugu milaya laba nidaam madaxweyne iyo nidaam baarlamaani ah, wuxuu qeexayaa qaabka loogq bixi karo haddii duruufaha jira ay hor istaagaan doorasho. Qaabkaasi waa muddo kororsi oo ka bilowda baarlammaanka, madaxweynahana ugu biyo shubta si “automatic ah” asagoo aan far nuuxin, kordhinna dalban.

Mid waa la hubaa: Doorasho ma dhici karto.

Xasan Sheekh wuxuu keennay qaab suuragelin kara oo ugu yeeray “doorasho dadban”.

Maamulka Farmaajo waxay keenneen qaab looga gudbi karro duruufahaas oo aan aniga ugu yeeray “muddo kororsi dadban”.

Dadbaa dhihi doonna qodobkaas wuxuu la mid yahay kuwa sharciyada caalamiga ku jira ee lagu maareeyo duruufaha oo loo yaqaanno “contingency clauses”.

Contigency clause oo la abuuro mar ay contigency jirto, fasiraad kale ma laha oo aan ahayn inuu qorshe yahay!

Ma qabo in Xasan Sheekh ama Farmaajoba ay ku fashilmeen in ay doorasho suura geliyaan, arragtideyda waxay ila tahay in doorasho qof iyo cod ah aan hadaf laga dhigin waqtiyadaan dhow!

W/Q: Hassan Adam Hosow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid