Farriin dan u ah Guudlaawe, Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo ka timid Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga reebo Saciid Cabdullaahi Deni dhamaan madaxda afarta maamul goboleed ee kale waxay ku darsadeen min hal sano waqtigii loo doortay xafiiska.

Lafta-gareen wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku darsada hal sano. Dhamaan madaxda maamulada ee min halka sano ku darsaday waxay dhex-mareen baarlamaanadooda heer maamul goboleed, waxay sheegeen inay bedeleen mudada xil haynta oo afar sano ahayd, haddana ka dhigeen shan sano.

Qoddobka 121 ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu leeyahay mabda’iyan waa in la is-waafajiya dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dastuurka maamul goboleedyada.

Hadda isma waafaqsana oo afar sano ayaa u qoran madaxweynaha federaalka inuu xafiiska joogi karo, maamuladana shan sano ayay ka dhigteen. Halkaas waa dastuur jabin.

Puntland iyada markii hore ayaa si gaar ah loo qeexay xaalkeeda. Marka laga tago jabinta qoddobkaas waxaa dhinaca kale taalla dood sheegaysa xitaa haddii shan sano laga dhigayo mudada xil haynta maamulada, waa in lagu aadiya xili doorasho oo qofkii soo baxa uu la jaanqaadi karo, sidoo kalana la abuura fursad la isku waafajin karo labada dastuur ee labada heer dowladeed.

Aan usoo laabano mawduuca, magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay habeen dhaweyd waxaa lagu jideeyay hal sano oo muddo kororsi ah oo uu qaatay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-green.

Arrintan waxaa si gaar ah isha ugu hayay Axmed Madoobe, Qoor-Qoor iyo Cali Guudlaawe. Saddexdaan nin waxay aaminsanayeen in haddii Xasan Sheekh uu halka sano u diido Lafta-gareen in iyagana aanay macquul ahayn inay qaataan.

Tijaabo ayuu u ahaa Lafta-gareen, hadda muddo kororsigoodu tijaabadii waa ka baxay mar haddii Lafta-gareen sanadkii loo ogolaaday, iyagana waxay u badan tahay in uusan Xasan Sheekh kula dhagi doonin sanadkooda.

Jidkii muddo kororsiga ayaa furmay, farriinta Baydhabo ka timid xitaa federaalka uma fiicna. Soomaaliya waxa qudha ee lagu kala badbaado waa in la raaco dastuurka qoran.

Nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo waxa ugu badan ee lagu haystay waxay ahayd dastuur jabin, haddana isla dariiqaas inuu furmay ayaa muuqata in lagu sii socdana ma caawinayso baadi-goobka loogu jiro Soomaaliya sharci ku dhisan oo xeerarkeeda ay xukunka hagaan.

Dadkii doonayay inay raadiyaan xukunka Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland oo tirsanayay maalmaha madaxdaas u hartay hadda quus ayay ku dhow yihiin oo waxaa u cadaatay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aanay ku howl jirin isbedelo degdeg ah iyo in aanay diidayn muddo kororsiga.

Mucaaridka huursan ee dowladda federaalka ah ayaa ka hadlin wixii kasoo baxay magaalada Baydhabo habeen hore.

Laakiin maalin kale oo aan munaasib ahayn ayaa laga yaaba inay hadlaan, markaas oo ay dhici karto in dhuumashadooda maanta ay dhaawac ku noqoto.