GAAS oo sheegay inuu hayo caddeynta in Somaliland ay maalgeliso Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo war cusub soo saaray ayaa sii xoojiyay eedeynta loo jeedinayo Somaliland ee ku aadan inay taageerto xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Cabdiweli Gaas ayaa shaaca ka qaaday in intii uu hayey xilka madaxweynaha Puntland uu uruurinay xogtan, wuxuuna sheegay inuu ku ogaaday in Somaliland maalgeliso Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu hayo caddeyn ku filan arrintaasi, isla-markaana uu la wadaagay dowladda UK balse uu kala kulmay jawaab yaab leh, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasigan oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay dood uu uga qayb-galay barta Twitter Space, wuxuuna tilmaamay in qaddiyadan uu kala hadlay safiirka UK ee Itoobiya, balse uu tilmaamay inuu u muujiyay inuu raalliba ka yahay.

“Waxaan Addis Ababa kula kulmay safiirka UK ee Itoobiya,waxaan ku iri, Somaliland waxa ay maalgelisaa Al-shabaab,caddeyntiina waan heynaa, waxaase uu igu yiri fadlan kor ha u dhihin, xitaa haddii ay jirto” ayuu yiri doodaan ku yiri Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay u muuqato in Al-shabaab iyo Somaliland ay yihiin laba mashruuc hal-meel laga maalgeliyo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in marar badan uu is-weydiiyay sababta ay Al-Shabaab halis ugu yihiin dalka intiisa kale, marka laga reebo deegaanada Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir uu shaaciyay in amiirka guud ee kooxda Al-Shabaab uu haatan xanuunsanayo, isla-markaana lagu daaweynayo magaalada Hargeysa sidoo kalena caruurta Al-Shabaab & qoysaskooda ay dagan yihiin gudaha magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay.

Caydiid ayaa tilmaamay in sidoo kale sirdoonka Somaliland ay koonfurta usoo gudbiyeen Aadan Suni, isaga oo carabka ku dhuftay in la rabo in lagu bedalo amiirka xanuunsan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye Cumar (Abuu Cubeyda) oo isna horay u beddalay Axmed Godane.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland, balse eedeyntan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo ay horey xukuumadda Hargeysa u sheegtay in Puntland iyo Al-Shabaab ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.