Gabdho SOOMAALI ah oo carruur u dhalay DAACISH oo lagu xiray dalka NORWAY

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amniga ee dalka Norway ayaa xabsiga u taxaabay laba haween oo Soomaali- Norwegian ah, kuwaas oo laga soo qaaday xabsi ku yaalla dalka Suuriya.

Gabdhahaas ayaa sanadkii 2013-kii waxay ku biireen ururka Daacish ee ka dagaallama dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxay halkaas carruur ugu dhaleen rag ka tirsanaa Daacish.

Dowladda Norway ayaa heshay xogta xaalad adag oo ay ku noolyihiin carruurta ay dhaleen haweenkaas, waxayna dowladdu go’aansatay in  dalka Norway ay dib ugu soo celiso ilmaha iyo hooyooyinkood oo ku dhibaateysnaa Suuriya.

Suni Siciid Saalax oo ah weriye ku nool waddanka Norway oo BBC la hadlay ayaa faafaahin ka bixiyey kiiska hablahaas oo hadda dowladda Norway ay xabsiga u taxaabtay.

“Dhabdhahaan waa Soomaali, xalay ayaa laga soo dejiyey Norwey, isla markiiba xabsiga ayaa loo taxaabay, dowlada ayaa muddo dheer naawileysay in gabdhahaan lasoo celiyo, si loo daryeelo carruurtooda, ugu dambeyntiina hadda ayey suurta gashay,” ayuu yiri

Weriye Suni Siciid ayaa sheegay in arrinta gabdhahaan ay aad uga dheregsan yihiin dadka reer Norway, iyadoo aqoonyahano badan ay kiiskooda buugaag ka qoreen.

“Gabdhahaan Norway ayey ku dhasheen, waxay ahaayeen caan, sababtii ay ku tageen Suuriya buugaag ayaa laga qoray, waxay guursadeen laba nin oo Daacish ah oo carruur ay u dhaleen, sida sharciga ah dowladda Norway waxaa xaq loogu leeyahay inay daryeel helaan carruurtaas oo ku noolaa xeryo qaxooti oo ku yaalla dalka Suuriya,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid.

Wuxuu sheegay in labada gabdhood ay mid wadato hal cunug, halka tan kale ay wadato laba carruur ah, kuwaas oo ku dhibaateysnaa dalka Suuriya, balse markii dambe labada gabdhood waxaa lagu qanciyey in dib loogu soo celiyo Norway.

“Sababta loo xiray waa in gabdhuhu ay ku wada eedeysan inay guursadeen rag argagixiso ah, kuwaas oo mid kasoo jeeday Norway, kan kalena wuxuu ahaa Carab, marka waxaa loo heystaa inay falal argagixiso ka qeyb galeen oo niman argagixiso ah ay guursadeen,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid.

Wuxuu sheegay in carruurtii la geeyey goob lagu baxnaaniyo, halka labadii gabdhood xabsiga la dhigay, “Ilaa hadda cid ka hadashay ma jirto waxa xiga xarigaan, wasiir arrimaha gudaha ayaa sheegtay in masuuliyadda saaray ay aheyd in carruurtaan muwaadiniinta ah lasoo badbaadiyo, arrinta haweenka xirana ay u deynayaan hey’adaha ammaanka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray weriye Suni Siciid.

Wuxuu sheegay wareysiyo badan kadib ay macquul tahay in dhabdhahaas maxkamad lasoo taago, “Uma badna in sharciga lagala laabanayo, laakiin waa khasab waa la maxkamadeynayaa,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid oo ku sugan dalka Norway.