Garaad JAAMAC oo si kulul ugu jawaabay Muuse Biixi

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii shalay ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo uu ku sheegay in dhibaatada Laascaanood ay ka dambeyso argagixisada caalamiga ah.

Garaad Jaamac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Muuse Biixi, isaga oo sheegay in hadalka madaxweynaha uu sii hurinayo dhibaatadii hore u jirtay.

“Waan ka xunahay hadalkaa waxaanu cadaynaynaa in aanay argagixiso ahayn, dadka shiraya ee reer SSC ee ayaahooda ka tashanaya, ayna argagixiso ahayn, dhibaatooyinkii hore ee Muuse iyo maamulkiisu ay dadkan u gaysteen uun ayay sii laba jibaaraysa,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

“Wixii meeshan ka dhaca ee qaraxyo yimaada ee dilal ah in ay tahay wax uu Muuse soo wado, waxaan ognahay in argagixisada iyo isagu isku mid yihiin. Hadhoo ayuu dhiigayaga iyo layntooda uu rabo in aduunka uu lacag kaga qaato oo uu yidhaahdo argagixiso meesha joogta oo kusoo dilaya.”

Sidoo kale waxa uu ciidamada Somaliland ku tilmaamay argagixiso, isaga oo sheegay in aanay jirin argagixiso aan ciidamada maamulka Biixi ahayn oo gobolka joogta, sida uu hadalka u dhigay.

Garaadka ayaa wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in aysan taageerin ciidamada Somaliland, maadama uu sheegay in taageeradii hore ee caalamku siinayay Somaliland ay dhibaato kasoo gaadhay shacabka ku dhaqan gobolada SSC.

“Anagu ma ogin argagixiso deegaanka joogta, isagu hadduu ogyahay awal waa ku tuhmeynay in isagu deegaankan dadka ku laayo. Anagu waxaa u fadhina aaya ka tashi iyo sidii aan noloshadayada u hagaajin laheyn. Waxaa ballan-qaadeyna in dhibaato anaga naga timaada in aysan gaareyn deriskeena iyo dowladaha deriska la nahay gaareyn oo ku filnaan karno dadkayaga.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay shaaciyay in argagixiso ay ka dambeyso dhibaatada ka taagan Laascaanood, taasi oo dishay haldoorkii magaalada, si la iskaga horkeeno shacabka iyo dowladda Somaliland.

“Waxaan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo oo caalamka iyo cid walba u sheego dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagixisada caalamiga ah. Dhalinyarada iyo dadka mudahaaradka wada uma wadaan xumaan iyo naceyb ay u qabaan Jamhuuriyada Somaliland,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in argagixisada ay qorshe fog ka lahayd dilka haldoorkii gobolka iyo masuuliyiinta u shaqeynayay Somaliland, si loo wiiqo maamulka Somaliland.

“Argagixisada muddo ayay qorshahaas shaadh walba usoo gashatay oo qeyb walba oo bulshada ah waa kula matalaya. Waxa iyaga u faa’iido ah waxay doonayaan oo ah inay tooda oo qudha ku maamulaan hadba mushtamacaa fidnada ka dhex wadaan.”

Muuse Biixi ayaa argagixisada uu sheegay ku tilmaamay Khawaarij, wallow uusan carabaabin magaca kooxda ka dambeysa amni darada gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood.

Xiisadda ka taagan Laascaanood ayaa u muuqata mid kasii dareysay, ayada oo garaadada ku shirsan magaalada aysan raali ka ahayn gooni isu-taaga Somaliland, islamarkaana gudaha Laascaanood calanka buluuga ah ee Soomaaliya.