Go’aanka Farmaajo & Shariif oo saadaal aan fiicnayn siinaya Xasan Sheekh (5 qodob)

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii madaxweyne hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid qoraalkii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran Jimcihii lasoo dhaafay, kaas oo lagu laalay doorashooyinkii maamul goboleedyada, laguna muujiyay suurta-galnimada ah in doorashada federaalkuna noqoto mid hal qof leeyahay oo natiijadeeda lasii yaqaano.

Hadalka labada nin ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa waxaa kusoo koobeyna shan qodob oo xasaasi ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Doorasho diidnimo

Labada madaxweyne ee hore waxay aad u cambaareeyeen in la hor istaagay doorashadii maamul goboleedyada oo si weyn loo sugayay, maadaama ay shaaciyaddii ka dhamaatay madaxda maamullada.

Waxay ku tilmaameen sharci ku tumasho weyn iyo arrin halis gelinaysa xasilloonida iyo wada-jirka umadda.

2. Xasan Sheekh oo is-shaqlaya

Madaxdii hore ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif waxay muujiyeen walaacooda ku saabsan in madaxweynaha isku diyaarinayo hanaan doorasho oo guracan oo aan heshiis lagu aheyn, hal gacan ku jira oo Xasan Sheekhn sii ogyahay natiijadeeda.

Waxay sheegeen in aan taas la aqbali karin ayna keeni karto qalaalase amni iyo mid siyaasadeed. Waxay madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen inuu kasoo laabto dariiqaas oo uusan dalka haligin.

3. In loo soo laabto sharcigii

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar hore la sheegay inuu tuuray dastuurkii lagu doortay. Dhowr jeer ayaa loogu baaqay Xasan Sheekh inuu ku laabto wixii umadda ku heshiisay laakiin madaxweynaha baaqdaas dhagaha ayuu ka fureystay.

Markale Shariif iyo Farmaajo waxay ugu baaqeen inuu sharciga usoo laabto, joojiyana maamullada uu sharci-darrada usii horseedayo.

4. Maqnaashaha Puntland waa dhantaal

Golaha Wadatashiga Qaran waxaa ka maqan maamulka Puntland, golahan kuma dhisna hal dheeri ee wuxuu ku dhisan yahay wadar-ogol.

Xasan Sheekh waxay labada madaxweyne hore ugu baaqeen inuu deg-deg u xaliyo tabashada Puntland oo aan la isku dayin in dalka lagu dhaqo heshiisyo aan loo dhameyn, sidoo kalena uuna madaxweynaha sii kala dhantaalin midnimada dalka.

5. In loo midoobo badbaadinta dalka

Madaxdii hore ee dalka waxay hoosta ka xariiqeen inuu dalka jid khatar ah kusii socdo, oo uu madaxweynaha ku wado, waxayna ku baaqeen in dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiyiinta ay u midoobaan in dalka laga badbaadiyo dariiqa halista ah ee uu kusii socdo.

Farriinta Farmaajo iyo Sheekh Shariif waxay madaxweyne Xasan Sheekh u sheegaysa in la fahamsan yahay sharci-darrada uu luqunta u galiyay maamullada, in aan la aqbali doonin doorasho hal qof leeyahay, inay mucaaradkii maalmahan isdiidanaa u midoobayaan ka hortagiisa, in Xamar la iskugu imaanayo dhawaan iyo inuu gunaanad ku yahay in loo istaagi doono halkii uu Farmaajo u istaagay.