Amarkii maamulka gobolka oo ka dhaqan-galay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan-galay go’aankii kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ahaa jadwalka Mooto Bajaajyada ee A iyo B, kaas oo qorshihiisu in mudo ah soo socday.

Maanta oo ah 25 bisha May ee sanadka 2023 ayaa waxaa shaqeynaya Bajaajyada wata sumadda A, taas oo haatan si weyn loogu arkayo waddooyinka waa weyn ee caasimada, halka B ay iyaduna shaqo bilaabi doonto maalinta Jimcaha ee 26-ka May, taasi oo ka dhigan in mid walba ay shaqeyn doonto 24 saac, sida uu warbaahinta u la wadaagay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere).

“Waxaa lagu wargelinaya milkiilayaasha mooto bajaajyada ee u hoggaansamay awaamiirta, in laga bilaabo 25-ka May uu dhaqan-galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada Muqdisho ee ahaa A iyo B oo midba maalin uu shaqeynayo.” ayuu yiri afhayeenka gobolka.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Saacaddu marka ay tahay 5-ta arroornimo maalinta berri ah waxaa howl-galaya oo kaliya ama shaqeynaya Mootooyinka ku asteysan A, iyada oo maalinta xigta marka saacaddu tahay 5-ta arroornimo ay shaqeynayaan oo kaliya Mootooyinka ku asteysan B, sidaasna ay ku dhaqan-gashay inay Mootooyinka u kala shaqeeyaan A iyo B midba 24 saac oo ka bilaabaneysa 5-ta arroornimo.”

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shaaciyay i Bajaajta aan soo marin habraaca diiwaan-gelinta iyo midabeynta ee la qabto la ganaaxayo lacag dhan $100.

Halka Mooto Bajaajta diiwaan-gashan balse shaqeynaysa maalin aan loo asteyn la ganaaxayo lacag dhan $100, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir.

“Mooto-dii si iskeed ah u midabeysata ee qaadata lambar been abuur ah ee la qabto waxaa loo aqoonsanaya inay khatar ku tahay amniga, waxaana loo gudbinayaa laamaha amaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda kaga aadan.” ayuu mar kale yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Ujeedka ka dambeeya arrintan ayaa ah in lagu xakeemeeyo mootooyinka, isla-markaana la yareeyo ciriiriga ka jira waddooyinka waa weyn ee ku yaalla gudaha caasimada.

Si kastaba, amarkan ayaa waxaa markii hore dood weyn ka keenay Bajaajleyda, balse waxaa ku adkeystay maamulka gobolka Banaadir oo ugu dambeyn ka dhabeeyay go’aankii uu horay u soo saaray, kaas oo ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho.