Golaha Ammaanka QM oo warbixin cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya (Aqriso)

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa Jimcihii soo dhoweeyey heshiiskii ay Khamiistii gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka, kaasi oo laga rajo qabo inuu dalka ka weeciyo xasarad

War-saxaafadeed kasoo baxay, ayey xubnaha Golaha Ammaanka ku amaaneyn hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay hormariyeen danta xasilloonida, ammaanka iyo horumarka dalka, iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale soo dhoweeyeen ka go’naanta ah in la qabto doorshooyin nabad ah, daahfuran, loo dhan yahay, la iskuna haleyn karo, ayada oo la ilaalinayo qoondada haweenka ee baarlamanka oo ah 30%. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku dhiiri-geliyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan dardarta, si ay u dhacaan doorashooyinka. 

Waxay sidoo kale ku booriyeen dhammaan dhinacyada Soomaalida inay sii wadaan wada-hadallo furan oo wax ku ool ah, si dhibaatooyinka ka dhalan kara heshiiska loogu xaliyo si deg deg ah, waxayna soo dhoweeyeen heshiiska lagu aas-aasayo guddiga xalinta khilaafaadka. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaaa ammaanay taageerada howlgalka QM ee Soomaaliya ee UNSOM iyo Amisom ay siiyaan Soomaaliya, waxayna taageero buuxda u muujiyeen labadaan howlgal 

Heshiiska doorashooyinka ayaa dhigaya in dalka doorashooyin baarlamaan iyo mid madaxweyne looga qabto 60 maalmood gudahood.