Guddoomiyaha Maxkamada gobolka oo shaaciyay inuu is-casilayo haddii uusan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir oo hadal ka jeediyay munaasibad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu is-casili doono, haddii uu isbadal la imaan waayo muddo sanad ah.

Guddoomiya Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay in uu isbadal weyn ku sameeyo maxkamadda gobolka, gaar ahaan dacwadaha ay qaado iyo cadaalad u sameyntooda.

“Waxaa hortiina ka sheega kow in aan guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir lacag ka soo doonan, sidoo kale waxaa rabaa in aan ballan-qaado dacwadaha yimaada maxkamadda gobolka in aan ka shaqeyn doono cadaalada laga filayo maxkamadda.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo dhamaaan bulshada gobolka Banaadir inay ku garab siiyaan qorshihiisa sare u qaadista cadaalada gobolka.

“Ujeedkayga waxa waaye sanadka aan hadda joogno January ayaa lagu jira, January soo socota cadaalada gobolka Banaadir wax ma iska badaleen mise waxba iskama badalin su’aashaas idinka in aad ka jawaabtaan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Hadalka ha yaraado howsha ha badato, in aan hadalno ma rabno laakiin waxaa rabna in wax la taaban karo in sanad ka dib maxkamadda gobolka wax ka badalmi waayaan waa ka taga meesha.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo garsoorka gobolka, iyo guud ahaan midka dalka laga deyrinayay, wallow uu muddooyinkii dambe sameynayay isbedelo muhiim ah, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa dhawaan shir sanadeedkii Garsoorka ka sheegay “in weli loo baahan yahay in dagaal adag loo galo sidii uu dalka uga shaqeyn lahaa garsoor cadaali ah oo madax-banaan.”