Habka xilal qeybinta dowlada Xasan Sheekh iyo afar arrin oo xasaasi ah oo horyaalla Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay u muuqata inay sii lumineyso qabaa’ilka Soomaalida. Dadka waxay masuugsan yihiin hanaanka xil bixinta ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Ku dhawaad 50 digreeto oo labada xafiis ee dalka ugu sareysa kasoo baxday tan iyo 15-kii May ayaa ku dhawaad 40 kamid ah loo leexiyay beesha uu madaxweynuhu ku metalo saami-qeybsiga 4.5.

Soomaaliya waxaa lagu joogaa heshiis aan qorneyn oo la yiraahdo 4.5. Marka laga tago awoodaha waaweyn oo kala calaamadeysan waxaa jira buuq aan dhamaan oo la xiriira awoodaha dhexe iyo kuwa hoose.

Madaxweyne kasta oo yimaada Villa Somalia waxa la eega sida uu beelaha ugu cadaalad falo. Durba madaxweyne Xasan Sheekh dhaliil ayaa dhankaas kaga timida.

Beesha Puntland degta miisaankeeda lama hayo, beesha Gedo degtana weli waa gadoodsan tahay, beesha udub dhexaadka u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waxay dhawaan ku shireen miisaankooda magaalada Nairobi waxaana sheegeen inay dhaliil ka qabaan saamigooda dowladda federaalka.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho ku shiray xildhibaanada labada Aqal ee beesha hoggaamisa maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyaguna dhaliilsan saami-qeybsigooda dowladda federaalka.

Madaxtooyada Soomaaliya hadda iskama indho-tiri karto cabashooyinkan muuqda. Ma jiro madaxweyne raadinaya inuu xukunkiisu guuleysto oo iska indho-tiri kara cabashada qabaa’ilka.

Haddaba, Maxaa la gudboon madaxweyne Xasan Sheekh marka laga hadlayo marxaladaan?.

1. Inuu dib u habeyn dhanka beelaha ah ku sameeyo magacaabistiisa oo ay cabasho badan ka taagan tahay, si aanay qabaa’il badan uga xarig furan dowladiisa.

Isku dheeli-tirnaan beeleed oo xagga awood qeybsiga ah waa muhiim xilligaan, iyada oo la ogyahay sida aan beelaha looga maarmin marxaladaan lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

2. Shaqsiyaadka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh xilalka umadda ugu dhiibeyso ayaa sidoo kale la isku haysta, kuwaasi oo iyaguna u baahan dib u hubin.
Maadaama dadka la magacaabay ay ku jiraan dad la masuugay inay u qalmaan in bulshada hoggaamiyaan, kuwaasi oo ku suntan dhaqan aan fiicnayn.

Xitaa qaar dadkaas kamid ah wakiiladda beesha caalamka ayaa la sheegaya in illaa hadda liqi la’yihiin inay wada-shaqeyn la yeeshaan.

3. Madaxweynaha waxaa laga raba inuusan iska indho-tirin cawaaqibka ka dhalan kara in beelaha la lumiyo, sababta oo ah haddii qabiilka aad lumiso xildhibaankiisana waa lumisay, taasina siyaasad ahaan iyo shacbiyad ahaanba wey ku saameyn kartaa.

4. Suurad xumeynta madaxweynaha: Mowduucan haddii aan si dhab ah loo qaadan oo aan laga shaqeyn waxa uu madaxweynaha ku shaanbadeyna inuu yahay nin beeleed, taasina uma fiicna inuu ku sifoobo ama laga aamino.