Hoos waxaan u aaday gacan haatiska hoggaamiyaheyga

Arar: Qormadan waa fikirkeyga gaarka ah iyo xog oggaalnimadeyda, kumana saabsana caadifad iyo weerar shakhsiyadeed, waxaa ay iftiimineysaa dabci siyaasi ah iyo sifaha hoggaamiye xilli dheer soo jiray. Hoggaamiyahaasi waxaan nahay ehel iyo rafiiq siyaasadeed in badanna waan lasoo shaqeeyay.

Qormadan haddii ay mararka qaar hoos u degto waa talo iyo tusaaleyn beeleed, Soomaalida raali ha iga ahaato waxaa tol ahaan miiska noo saarran mudane mar soo hoggaamiyay Jamhuuriyaddeena.

Hoggaamiyaheyga isagana waxaan la socodsiinayaa in xaaladdu Public mudan tahay oo aan laga weecan karin, tolkeygana waxaan ka codsanayaa in aysan iyaguna noqon awr nin u raran oo aysan I afjigin iina muujin wax aanan kala mudneyn, waxaan ka hadlayaa waa dareen shaqsiyadeed oo laga yaabo in ay noo horseeddo dhabbo cusub oo macno   siyaasadeed gundheer yeelata mustaqbalka.

———————————————————————

MADAXWEYNIHII 7-AAD EE SOOMAALIYA
SHARIIF SHIIKH AXMED:

Shariif Sheekh Axmed, waa Madaxweynaheygii hore ee Soomaaliya ka soomaali ahaan, xilligaanna waa xildhibaankeyga igu metela golaha shacabka. Waa mas’uul xurmo iga mudan maqaam ahaan, waa saaxiib siyaasad ahaan waa Adeerkeey xigto ahaan. 

Taariikhda sida ay warineyso siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee soo kacaantay ama la qabsatay dhismaha jamhuuriyaddeena seddexaad ma jecla in nin siyaasi ah oo beeshiisa uu kor usoo kaco siyaasad ahaan, aniga oo taas garwaaqsan haddana suurogal  ilama aha, in fikraddaas xataa loogu garaabo marka ay joogto in bulshada beeshaas ama deegaankaas haddii la doonayo in wacyigooda lagu jiheeyo qaab darrada siyaasiga hormuudka u ah.

Madaxweyne hore + Xildhibaan Sharif Sheekh Axmed waxaa uu tartan doorasho galay tiro afar jeer ah, mid ka mid ah ayuu ku noqoday Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda, siyaasiyiinta beeshiisa mid colleystay ma jirin dhammaan waxaa ay u arkayeen oday mudan oo ay soomaali dooratay xilli adagna xaalad murugsan kasoo gudbiyay bulshada gobolka Banaadir. Gacan ayaa lagu siiyay hoggaamintiisii soomaaliya isla markaana  kusoo aadday xilli adag oo ay soomaalida badankeed ka gaabsatay, waxaa loo daadiyay dhiig fara badan waxaa lagu bixiyay hanti tiro beel ah. 

Seddex doorasho oo dambe ayuu galay hoggaamintiisii soomaaliya kadib, kaalin siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa lagu bixiyay. Shariif dartiis xifaaltanka siyaasiga ah ee xilliyadaas kala duwan dadka qaar ayaa ku waayay saaxiibo Soomaaliyeed oo macno badan u lahaa, intaas oo garab istaag ah waxaa loo sameynayay xushmadda ay bulshada Soomaaliyeed u heyso hoggaamiyahoodii hore, dhinaca kale beesha waxaa ay u arkeysay iney ceeb ku tahay in ay ka hortimaado Shariif Sheekh Axmed sidaas darteedna la gacan siiyo.

Hadda waa xildhibaan beeleed, ma oggola ama mustawa ahaan iskula qalmo in heer xildhibaan uu’ ugu adeego bulshada uu kursigeeda ku fadhiyo. Anigu kama mid aheyn dadkii la dhacsanaa inuu kursiga qaato, waayoo waxaan aaminsanaa inuu maqaam ahaan ka sarreeyo kursigaas, isla markaana loo daayo siyaasiyiinta kale isagana uu tartamo Villa Somalia.

Doorashadii dalka kadib, xildhibaan Shariif Sheekh Axmed waxaa uu hoos u fiiriyay tolka gudihiisa. Waxaa uu nashqadeeyay hannaan cadaawad siyaasadeed oo laba dhinac ah.

Midda koowaad waa in tolka kuwooda wax tarka leh aqoon ahaan, faham siyaasad ahaaneed iyo dhaqaale ahaanba uu ka ilaaliyo iney xukuumadda cusub kasoo muuqdaan, isaga cadaadis saaraya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, adeegsanayana awooddiisa siyaasadeed iyo gacmaha rag tolka ka mid ah oo siyaasad ahaan qarriban.

Qodobka labaad, cadaadiskaas oo aan u muuqan in badan bulshada beeshiisa ah, wuxuu doonayaa in birrito uu ka hor keeno dowladda, isaga oo u sawiraya in ay dowladdu dulmisay beesha isla markaana ay xulatay shakhsi aan tabar siyaasadeed laheyn, halkaasna ay ka dhalato sheeko xariir u dhaxeysa tolka iyo dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh.

Xubinta kasoo muuqan doonta xukuumadda waxaa uu la doonayaa qof dumar ah, ka beel ahaan dumarku waxey nagu leeyihiin xushmad umana diidanin iney qeyb ka noqdaan siyaasadda. Dumarka iyada oo aan loo isticmaalin taako siyaasadeed ayay mar walba mudan yihiin ka qeybgalka siyaasadda fursadna loo siiyo. Balse Xildhibaankeygu uguma roonaanayo gadhaha beesha iney ka qeyb galaan siyaasadda, waxaa uu ka leeyahay ujeeddooyin siyaasi ah waxaa uu  ka faa’iideysanaya in gabdhuhu aysan siyaasadda si qotto dheer ah, soo jeed badan isla markaana saameyn kaamil ah leh uga shaqeyn karin siyaasad ahaan heerarka kala duwan ee beelaha siyaasad ahaan uu metelayo kursigaas iyo soomaalidaba.

Saameynta dookha Shariif xubinta xukuumadda cusub waa xubinta kaliya ee beesha Abgaal uga mid noqon doonta fadhiga golaha wasiirada, doorka la doonayo iney gudato xubintaasi waa dowr xasaasi ah waxaa ay u baahan tahay adkeysi siyaasi ah iyo dabacsanaan shakhsi ah, oggaal taariikheed iyo mid dhaqanna waa u muhiim xubintaas. Waana halka Madaxweyne Xasan Shiikh uga tolan yahay beeshiisa, waa

Weji siyaasadeedka uu beeshiisa isla markaana khidmeyneysa siyaasad ahaan difaac sumcaddiisa siyaasad ahaan qiimeynayo si ka qotta dheer xubnaha kale ee golaha, xubintaas haddii uusan qof ku habboon u xulan Madaxweyne Xasan Shiikh waa u dil siyaasadeed, xildhibaankeygana waa u dahan siyaasadeed sida uu aaminsan yahay.

Mar kale waa ii fikir gaar ah qormadan koox iyo qolo aan wakiil uga ahay majirto.

W/Q: Abdirizak Yusuf dhegacadde
Email: Abdirizak.guure@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.