Horta yaa diidan doorasho dadweyne? – W/Q FAHAD

Waxyaabaha laga ducaysto waxaa kamid ah, xargo aad horay u gunuday inaad gacantaada dib ugu furfurto, siyaasadana waxaa laga fogaadaa inaad dib u cunto wax qabadkaadii hore.

Muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh waxaa u qabsoomay guushii ugu horreesay ee lagu soo xirayay albaabka doorasho ku dhisan xulasho, waana dhisida Guddiga Qaran ee Doorashooyinka iyo meel marinta Sharciga Xisbiyada. Labadaas guulood waxaa ka dhimanaa laba qodob oo kala ahaa heshiis siyaasadeed oo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ka dhaxeeya iyo Sharciga Doorashooyinka Dalka.

Muddo 16 bilood ah markii uu Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay waxaa magaalada Baydhabo lagu saxiixay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo Doorashooyin qof iyo cod ah dalka u jiheynaya, kuna saleeysan matalaad dheelitiran iyo xisbiyo badan. Golihii Xukuumadda iyo Baarlamaankii Federaalka iyaguna waa meel mariyeen Sharcigii Doorashoyoyinka Qaranka.

Intaas keddib, waxaa buuq iyo diidmo kala hortagay doorasho dadweyne oo tiirarkeedii u wada dhanyihiin iney dalka ka hirgasho, mucaaradkii uu hormuudka u ahaa Xasan Sheekh, ilaa haddeerna guulaha uu ku faano ayay kamid tahay.

Madaxweyne Xasan mar labaad ayaa la doortay, waxaana laga filaayay inuu dalka toos u galiyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, lagana bilaabayo heer Gole Deegaan, maadaama uu haystay fursaddii iyo khibradda Guddigii shaqadaas fulin lahaa.

Fursadaas qaaliga ahayd, iyadoo uu haystay Madaxweynuhu, ayuu jid kale oo dib u noqosha ah gadaal u raacay, wuxuuna ku dhaqaaqay;

1. Inuu diidmo qayaxan kala hortagay in Puntland ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod. Intaas ugama harin e wuxuu reer Puntland ku handaday hadaad nabad rabtaan doorasho dadban qabsada, hadaadse doorasho qof iyo cod ah aaddaan Puntland way burburaysaa. Taasi waxay ku tusaysaa in Madaxweynaha markuu mucaarad ahaa iyo markii dib loo doortay labadaba inuu ka horyimid doorasho qof iyo cod.

2. Inuu ka guuray dastuurkii lagu dhaariyey, una guuray dastuur iyo sharciyad aysan ummaddu raalli kawada ahayn.

3. Wuxuu kala diray Gudigii Doorashooyinka Qaranka ee uu qof qof gacantiisa ku soo xushay muddo xileedkiisii hore. Sababta rasmiga ah ee uu guddigaas u kala dirayna, waa inuu ku kalsoonaan waayey, maadama ay soo wada shaqeeyeen dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

4. Madaxweynaha wuxuu baabi’iyey Sharcigii Doorashada Qaranka ee Labada Aqal ee Barlamaanka ay ansixiyeen, oo wuu ka guuray dastuurkii ay ku dhisnaayeen.

5. Madaxweyne Xasan wuxuu baddalay tiirkii awood qaybsiga dalka, hal meel buuna kuwada uruuriyey awoodohii xukunka, waana tallaabo halis ku ah wada jirka dalka.

6. Wuxuu kala diray Guddigii La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waana hay’ad awoodaheeda ay kamid yihiin hubinta anshaxa iyo hufnaanta doorashooyinka dalka.

Geeddi socodkii hirgalinta doorasho qof iyo cod ku saleysnaa ee soo jiitamayey ku dhawaad 10 sanadood, buu labadii sano ee uu xilka Madaxweynaha hayey wada dumiyey. Marka ma laga filan karaa Madaxweyne Xasan inuu meel ku ogyahay farsamo siyaasadeed oo uu shaqadaas oo dhan kaga mira dhalin karo 24ka biloood ee ka harsan muddo xileedkiisa sharciga ah!

W/Q: Fahad Yaasiin 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.