Imaaraadka oo soo saaray war ku saabsan Soomaaliya

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u cambaareysay weerar is-miidaamin ah oo maanta ay markale kooxda Al-Shabaab ka fulisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay “in xukuumadda Abu Dhabi ay dhibka iyo xanuunka la qeybsaneyso qoysaska dadkooda waxyeelada gaartay.”

“Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa ay si xoogan u cambaareynaysaa weerarka argagixiso ee ka dhacay gobolka Hiiraan, bartamaha Soomaaliya kaas oo natiijo dhimasho iyo dhaawac laga dhaxlay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay in uu garab taagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya, si ay uga hortagto falalka argagixisada iyo kuwa ka dhanka ah bani’aadannimada.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa ay si dhow ula socotaa xaaladda Soomaaliya, dowladda federaalka waxa aan ku garab-taaganahay ka hortagga rabshada, xasilooni darrada iyo bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qaraxa saaka ka dhacay magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa lasoo warinaya in uu kamid yahay taliyihii C.I.D-da ee Beledweyne, Marxuum Jamaal Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxa is-miidaaminta ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durtaba sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayada oo sheegtay inay la beegsatay xero ciidan oo ku taalla magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Hiiraan ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ku aadan weerarada Al-Shabaab oo xilligaan ku soo koobmay qaraxyo, kadib markii inta badan kooxda laga saaray gobolkaasi.