Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee xasillooni darada ka wada Geeska Afrika

Saddex sano ka hor, mawjad isbeddel siyaasadeed ah ayaa ku baahday Geeska Afrika. Suudaan iyo Itoobiya, mudaharaadyo waawayn ayaa horseeday isbeddel xagga hoggaaminta ah iyo waxa ay dad badani u qaateen inuu ahaa kala-guur dimuqraadi ah. Itoobiya iyo Eriteriya ayaa soo afjaray loolankii u dhaxeyay 20 sano, kaas oo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed lagu siiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel. Shucuubta Geeska Afrika waxa ay ahaayeen kuwo raynrayn ka qaba waxa dad badani u maleeyeen inuu baal cusub u noqon doono taariikhda gobolka.

Maanta, si ka duwan wixii laga filaayay, xasuuqyada baaxadda leh, dagaallada dowlad-goboleedyada, iyo kala gaynta maamuladda waxa ay noqdeen astaamaha lagu garto gobolka. Sideedii bilood ee la soo dhaafay, dhowr khilaaf oo caalami ah ayaa (dib) u soo ifbaxay, oo si gaar ah ugu dhexdhacay Itoobiya iyo Suudaan, Ereteriya iyo gobolka Tigreega ee Itoobiya, iyo Soomaaliya iyo Kenya.

Masar iyo Suudaan ayaa sidoo kale Itoobiya ugu hanjabaya in ay dagaal toos ah la galayaan hadii ay sii wado buuxinta labaad ee biyo xireenka Grand Ethiopia Renaissance Dam ee wabiga Blue Nile. Gudaha Itoobiya oo keliya, laba kacdoon oo muuqda ayaa ka qarxay, halka xasuuqyada ballaaran ee ku saleysan qowmiyadda ay si joogto ah u dhacayaan. Geeska Afrika waxaa ku soo kordhay rabshado halkaasoo isku dhacyada gudaha iyo kuwa gobolku ay ku dagaalamayaan iyada oo wali isku hub iyo shidaal qaadanaya.

Colaadaha,  ku xadgudubka xuquuqda Aadana bilihii la soo dhaafay waxa ay ahaayeen kuwo xargaha goostay, waxa ayna sababeen khalkhalgalinta gobolka,waxaana sabab ah u hoggaansanaan la’aanta xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka iyada oo ay u sii dheertay adeegsiga awoodaha Millatari.

Afar isbeddel oo sababay xasillooni darro!

Tilmaamaha ugu horreeya ee fowdada ku socda Geeska Afrika ee ku faafay maanta waxaa ka mid ah khilaafaadka dhuleed iyo guud ahaan tixgelinta xudduudaha gobollada. Tusaale ahaan Ereteriya waxay biloowday in ay qabsato qaybo kamid ah gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya waxayna siisaa kaararka aqoonsiga Eriteriya dadka deegaanka. Itoobiya waxa ay sheeganaysaa lahaanshaha dhuleed ee gobolka Fashaga ee Suudaan, saraakiisha Suudaan waxa ay sheeganayaan qaybo ka mid ah Benishangul Gumuz ee Itoobiya.

Gudaha Itoobiya, Abiy wuxuu taageeray ku darsiga Dawlad Deegaanka Amxaarada qaybo kamid ah Dawlad Deegaanka Tigray. Markii ay dareentay daciifnimada Itoobiya, Jabuuti waxay dhawaan shaacisay damaceeda ah in ay ka faa’iideysato webiga Cawash ee ku yaal Itoobiya. Isla mar ahaantaana, siyaasiyiinta Itoobiya waxa ay si cad u diideen in waqooyiga dalkaas ay qabsadaan ciidanka Ereteriya. Ugu dambeyntiina, Soomaaliya iyo Kenya waxa ka dhexeeya muran badeed u gudbay maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

In kasta oo aysan jirin wax khalad ah oo ku saabsan damaca dhuleed ee loo maro dariiqa sharciga ah, haddana waxa aan aragno ayaa ah isbeddello dhawaanahan socday oo ay sameynayeen dowlado isku dayaya in ay xoog kula wareegaan dhulka si ay u abuuraan wax wada qabsi ah Tani waxa ay horseeday saameyn isdhaafsi ah in hal dhinac ku xad gudbo midnimada dhulka kuna dhiiri geliyo jilayaasha kale in ay sidaas oo kale sameeyaan.

Talaabada labaad ayaa ah sumcadda ciidamada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha khilaafaadka gudaha iyo gobolka. Abiy Ahmed wuxuu kadhigay jabhadeyn askarta Eritereya dagaalka uu kula jiro Tigreega sidoo kale wuxuu ka shaqaaleeyay xadka ay wadaagaan Suudaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu kaloo u adeegsaday ciidamada Itoobiya siyaasiyiinta ka soo horjeeda. Isla waqtigaasna, askar Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ka dagaallameen Itoobiya iyaga oo ka soo galay dhanka Eretareeya.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta xoogaggan ayaa ah madmadowga xagga sharciga ah, u janjeerida in ay ku kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo awooddooda gaarka ah ee hurinta xiisadaha u dhexeeya beelaha. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waa wadaha dhexe ee isbeddelkan. Wuxuu dhisay dhaqaale badan oo udub dhexaad u ah raadinta kirooyin dhaqaale oo ka yimaada calooshood u shaqeystayaal iyo saldhigyo milatari.

Dhibaatada saddexaad ayaa ah tixgelin la’aanta sii kordheysa ee sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada Sideedii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya waxay ku hawlanaayeen tacadiyo, kufsi, gaajo, iyo xasuuq baaxad leh oo aan horay loo arag.

Ciidamada Eriteriya waxay sidoo kale burburiyeen xeryo qaxooti oo kuyaala dalka Itoobiya oo ay ku jireen qaxootiga Eritrea waxayna kumanaan kamid ah si qasab ah dib ugu celiyeen Eritrea Illaa iyo hadda, ma jirto cida dusha loo saaray dambigaan, markii dhaleeceyn la soo daristay, Abiy iyo Afwerki waxaa la eryay dhowr salkaal balse majirto cid qaadatay masuuliyada tacadiyada.

Maanta Geeska Afrika sidoo kale waxaa lagu arki karaa inuu hoos u dhac weyni ku yimid diblomaasiyadda dhinacyo badan leh. Hay’adda gobolka ee Horumarinta ayaa laga saaray inta badan khilaafaadka iyo geeddi-socodka nabadda; waxay si gaar ah uga maqnayd geedi socodkii nabadeed ee Itoobiya iyo Ereteriya iyo dagaalkii Tigray. Taa baddalkeeda, hoggaamiyeyaashu waxa ay doorteen in ay qaabeeyaan iskaashigooda oo ay maareeyaan khilaafaadka ka baxsan qaab dhismeedka hay’adaha iyo marinnada shaqsiyadeed, taas oo caqabad weyn ku ah diblomaasiyadda ka hortagga ah.

Siyaasada gudaha ayaa hurineysa xasilooni darada gobolka.

Xasilooni darrada Geeska Afrika ayaa ugu horreynba ah mid ka shaqeysa siyaasadda gudaha ee Itoobiya, Ereteriya, iyo Soomaaliya. Abiy, Afwerki, iyo Farmaajo waxa ay abuureen isbahaysiga saddex geesoodka ah ee 2018 iyagoo ujeedkoodu ahaa in qaabaynta nidaamka gobolka lagu saleeyo himilooyinkooda siyaasadeed ee gudaha. Saddexda hoggaamiye waxa ay ka soo horjeedaan federaalka, dejinta kala duwanaanta qowmiyadeed, iyo dowlad-goboleedyada. Taabadalkeed, waxa ay doorbidaan dowlad dhexe oo ka amar qaadata hoggaan dhexe oo awood badan ama Xukunka Fiat.

Xukunka Fiat oo ah mid milatari, waa geedi socod lagu gaaro go’aanada laguna fuliyo qaab militari iyadoo aan laga qeyb galin qeybaha kale ee siyaasada. Ereyga fiat oo ah laatiin, ayaa loo tarjumay “ha ahaato,”

Afwerki – aabihii isbahaysiga – wuxuu xukumayay Ereteriya bilaa dastuur ama hal doorasho ku dhawaad 30 sano. Aqoonta hoggaamineed ee Afwerki, waa siyaasad ciidan, waxa uu ku qasbay boqolaal kun oo dhalinyaro ah in ay dalka ka haajiraan ama ku biiraan ciidanka Milatariga. Xaaladahaani waxa ay mucaaradku ku sheegeen wax aan macquul aheyn.

Itoobiya, Abiy waxaa xushay xisbigiisa siyaasadeed si uu dalka ugu wareejiyo dimuqraadiyadda sanadka 2018. Si kastaba ha noqotee, isagoo,  marmarsiinyo ka dhigaya covid-19, ayuu dib u dhigay doorashadii Juun 2020, waxa uu xirxiray kuwa ka soo horjeedaIsku daygiisii ahaa inuu awoodda uruuriyo dowladda dhexe oo uu caburiyo kooxaha qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya taasina waxa ay horseeday dagaal sokeeye iyo macaluul badan.

Farmaajo, waxa uu marmarsiyo ka dhiganayay in uu Soomaaliya u diyaarinayo doorashadeedii ugu horreysay oo toos ah dhawr iyo toban sano. Taabadalkeed, wuxuu iskudayay inuu udub dhexaad u noqdo awoodda dowladda federaalka, taas oo keentay isku dhacyo kaladuwan dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, inkastoo uu ku guulaystay in uu maamulo taabacsan oo xoog lagu dhisay uu ka hirgaliyo Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Farmaajo waxa uu waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo, isagoo raacaya tusaalaha xulafadiisa gobolka, wuxuu u kordhistay labo sano oo dheeri ah. Taasi waxa ay horseeday qalalaase dastuuri ah iyo isku dhac hubaysan, oo ugu dambeynti ku qasbay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay joojiyaan muddo kordhintiisa. Waa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo markii howsha dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ay billaabatay 2004-tii isku dayay inuu xafiiska sii joogo ka dib markii waqtigiisu dhammaaday.

Isbedelada gobolka ka socda ee maanta khalkhal gelinaya Geeska Afrika waxay ka imanayaan xaaladahaas gudaha ka jira. Dadaalladii lagu kala qaybiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horseeday in lagu kala firiyo khilaafaadka xudduudaha dowladda waxayna sii hurisay loollannada gobollada. Xubnaha isbaheysiga seddex geesoodka ah waxa ay sidoo kale u maareeyaan xiriirka ka dhexeeya dowlad-goboleedyada si isku mid ah sida ay u xukumaan siyaasaddooda gudaha – waxa ayna ku qasbaan siyaasadooda iyaga oo u maraya qaab militari.

Dhaqanka isbahaysiga ayaa si gaar ah wax u dumiya sababtoo ah cawaaqibkiisa muddada dheer. Tusaale ahaan, isku dhacyada dhuleed, isir sifeynta, iyo kufsiga oo ah hub dagaal ayaa miraha u abuuraya cabashooyinka jiilka soo socda. Itoobiya gudaheeda, siyaasadaha Abiy waxa ay durba soo nooleeyeen dareenka kala qaybinta Tigray iyo Oromiya. Iyo ilaa heerka ay kusii jiri doonto Itoobiya hal wadan dagaalka kadib hada su’aal baa ka taagan. Lixdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, isku dhacyadani waxay barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool Tigray, ergeyga Midowga Yurub ee Itoobiyana wuxuu leeyahay tani waxay noqon kartaa “bilowga mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee qaxooti ee adduunka ka dhici kara”.

Waxa ka socda Geeska Afrika ayaa khatar weyn ku ah amniga caalamiga. Joojinta tusaalooyinka muuqda ee dowlad la’aanta waxa ay u baahan tahay, dadaal wadajir ah oo lagu qasbayo hoggaamiyeyaasha gobolka in ay ixtiraamaan dastuurradooda.

Labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliyaba, Abiy iyo Farmaajo waa in lagu cadaadiyaa in ay wadahadal siyaasadeed la galaan kuwa la tartamaya si ay dib ugu soo celiyaan geeddi-socodkooda dib-u-habeynta dimuqraadiyadda Markii labaad, adeegsiga calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ee khilaafaadka gudaha waa in laga hortagaa. Gaar ahaan, qaababka xaqiijinta waa in la dejiyaa si loo hubiyo ka bixitaanka ciidamada Ereteriya ee iskahorimaadyada ka socda guud ahaan gobolka. Ugu dambeyntiina, dambiilayaasha xadgudubyada halista ah u geysta sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada waa in lala xisaabtamo si loogu gogol xaaro geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, sidoo kale looga hortago kuwa kale in ay ku kacaan falalka noocan oo kale ah.

W/Q: Goitom Gebreluel oo ah falanqeeye siyaasadeed oo diiradda saaraya Geeska Afrika iyo agaasimaha machadka Hatèta Policy Research.

W/T: Mowlid Mo’allim Adan
Mustaqbal Media.