Isimida SSC oo go’aan kasoo saaray wada-hadallada S/L kadib arrin maanta dhacday

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa maanta war cusub kasoo saaray wada-hadalka ay ku baaqday Somaliland iyo ergada Isimida ah ee uu maamulka Muuse Biixi u dirayo.

Garaadada dhaqanka ee Laascaanood ayaa sheegay in aysan u imaan karin ergo ka socota Somaliland, iyaga oo soo dhaweeyeen go’aanadii maanta kasoo baxay beesha Garxajis ee ku sheegeen inay ka baxeen ergada Muuse Biixi uu sheegay in uu Laascaanood u dirayo.

“Beesha Garxajis haddii ay ka dhiidhiyeen duulaanka nalagu soo qaaday waanu soo dhawaynaynaa go’aankooda. Suldaankii xalay lahaa Laascaanood baan aadayaa oo isimaaan wada hadalnay waxaan leenahay iska noqo, anaka ha noo imanina,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Isimida SSC ayaa u muuqda in ay ka laabteen go’aankoodi hore ee ay ku sheegeen si ay uga qeyb-galaan wada-hadal dhex-mara Somaliland, in marka hore ay rabaan in ciidamadooda laga dulqaado magaalada Laascaanood iyo in xabad joojinta dhanka Somaliland shuruud la’aan u dhaqan-geliso.

Hadalkan ayaa imanaya saacado un kadib markii beesha Garxajis ee Somaliland ay dagaalka Laascaanood ku eedeysay Muuse Biixi, islamarkaan ay sheegtay in ay ka qeyb-galeyn kana mid noqoneyn ergada uu dhawaan sheegay Muuse Biixi, iyaga oo ku sababeeyay in ay qaadi karin masuuliyada in Biixi aqbalayo go’aamada ay ergadu gaadho.

“Beesh Garxajis waxa ay go’aansatay in aan ay ka qaybgelin kana mid ahayn ergada uu sheegay Muuse Biixi inuu u dirayo Laascaanood sababta oo ah ma qaadi karno kalsoonida inuu aqbalayo go’aamada ay ergadu gaadho annaga oo ku xisaabtamayna aanu jirin jawi nabadeed oo lagu wada-hadli karo,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha Garxajis.

“Waxaa ciidanku ay xabad nool la dhaceen dad shacab ah oo ka gadooday dilalka qorshaysan ee loo geesanayay haldoorka iyo birmagadaydada gobolka Sool mudada tobanka sanadood ka badan. Cabudhintaasi waxa ay la mid tahay hab dhaqanka qallafsan ee uu caadeeystay xukunka Muuse Biixi.”

Madaxweynaha Somaliland oo dhawaan ka hadlay dagaalka Laascaanood ayaa sheegay in Isimo u dirayaan magaalada Yagoori, halkaasi oo uu sheegay in uu ka furmi doono wada-hadal xal nabadeed looga gaarayo xiisadda Laascaanood.

“Anagu sidii Siyaad Barre magaalada ma aanan duqeynin, umana doonayno in aan u duqeyno, mana nihin ciidamo cadow ah, sidii Kacaanka oo dalkooda gumaadaya, dulqaad iyo tudhaale bay sameynayaan ciidamadu, mar kasta waa lasoo weerarayaa oo xabad ku socotaa, ciidamadu walina wey dulqaadanayaan, weyna u turayaan dadkoodii,” ayuu yiri.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool uu galay asbuucii saddexaad, inkasta oo uu hadda ka qaboobay sidii hore.