Isimida SSC oo war cusub kasoo saaray DAGAALKA magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida dhaqanka ee beelaha SSC ayaa markale ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyaga oo sheegay in xilligaan uu wada-hadal suurtagal aheyn in lala galo xukuumadda Somaliland.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimida SSC ayaa waxa uu soo jeediyay in ciidamada Somaliland la geeyo Oog, si ay wax uun uga dhaqaaqan dadaallada nabadeed ee ay wado Itoobiya, oo uu sheegay in Isimidadooda ay soo dhaweynayaan.

“Markasta oo (Somaliland) ay isticmaalaan kalmada ‘xabad joojin’ xagan macno ayay noo leedahay, waa dagaal ayaanu soo qaadanaynaaye diyaar garooba, markasta oo kalmadaasi kasoo dhacdo xagoodana duulaan ayaa soo socda,” ayuu yiri Garaad Cali.

Garaadka ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan xabad joojin dhab ah, islamarkaana ay aqbaleen dhex-dhexaadinta Itoobiya, balse aan wada-hadal iyo xabad joojin rasmi ah dhaqan-geli karin illaa inta ciidamada Somaliland laga saarayo gobolka.

“Xabad joojin ma dhici karto meel nagula hareeraysan yahay oo waddooyinka naga xiran yihiin, dhashiikooyinka iyo xabadooda ay maalin kasta nasoo gaari karto. Sidaas kaliya oo kaliya ayaa ku aamini karnaa in dadkayagu badbaadi karayaan oo markaas ayaa u jeesan karna wada-hadal iyo wixii kale ee tallaaba ku xigta.” ayuu yiri.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay in xilligaan ay suurta-gal aheyn in ciidamada deegaanka SSC iyo kuwa kale ee ku sugan Laascaanood ay ka baxaan gobolka, ayada oo ciidamada Somaliland ay weli joogaan gobolka.

“Ciidankan waxna waa deegaanka, haddii ciidamo kale meelo kale nooga yimaadeen oo noo soo gurmadeen waxay noogu soo gurmadeen inay naga caawiyaan cadowga na-dul fadhiya ee dhashiikaha nala dhacaya. Tolka maanta nala jooga waa ku laabanayaan deegaanadii ay nooga soo gurmadeen haddii Somaliland ay ciidankooda kala baxaan gobolka.”

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u dalbatay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka baxaan magaalada, halka garaadada dhankoodu ay rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan deegaanadooda, taasi oo sii adkeynaysa in waqti dhaw xal laga gaaro xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.