Israel oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe yaab leh oo ay ka damacsan tahay Gaza

Qaahira (Caasimada Online) – Israel ayaa ku wargelisay dhowr dal oo Carbeed inay doonayso inay aag difaac ah ka abuurto dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weeraro ay Xamas mustaqbalka kusoo qaado Israel. 

Qorshahan ayey Israel sheegtay inay fulineyso kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masaari iyo kuwa gobolka ku sugan ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters. 

Qorshahan ayaa macnihiisu yahay in ciidamada Israel ay ka difaaci doonaan Israel gudaha Gaza intii ay ku sugnaan lahaayeen xudduudoodii hore, balse ma cadda inta kilometer ay Israel dooneyso inay aagga difaacca ka dhigto.

Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israel waxay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, oo sanadkii 2020 xiriir diblomaasi la sameystay Israel.

Waxa kale oo ay sheegeen in Sacuudiga, oo aan xiriir la lahayn Israel islamarkaana joojiyey wada-hadallo uu Maraykanku dhex-dhexaadinayey kadib markii uu dagaalka Gaza bilowday 7-dii October, lagu wargeliyey qorshaha Israel.

Ilo-wareedyada ma aysan sheegin sida ay xogtani ku gaartay Riyadh, oo aan si rasmi ah u lahayn xiriir toos ah oo ay la leedahay Israel. Turkiga oo aan Carab ahayn ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadan.

Hindisahani ma tilmaamayo in uu soo afjarmi doono weerarka Israel – kaas oo dib u billowday Jimcihii, kadib xabbad-joojin toddoba maalmood ah –balse waxa uu muujinayaa in Israel ay ka gudubtay dhex-dhexaadiyeyaasha Carabta ee la aasaasay, sida Masar ama Qatar, iyada oo doonaysa in ay qaabayso Gaza dagaalka kadib.

Ma jirto dawlado Carbeed oo u muujiyay wax rabitaan ah inay ilaaliso ama maamulaan Gaza mustaqbalka, waxayna intooda badan si buuxda u cambaareeyeen weerarka Israel ee lagu dilay in ka badan 15,000 oo qof iyo burburinta dhul badan oo ka mid ah magaalooyinka Gaza.

Xamaas waxay ku dishay 1,200 oo qof duullaankoodii October 7, waxayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof.

Dowladaha Masar, Sacuudiga, Qatar, Turkiga, iyo Urdun si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan.