Itoobiya oo shaacisay in lasoo wareejiyey kulankii QM ee xiisadda badda Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo Midowga Afrika. 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho. IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya. 

Golaha Ammaanka, waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas. 

Soomaaliya, oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbaynayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan wada-hadal la geli doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland.

IGAD ayaa ah madal ay maamusho Itoobiya oo wixii ay doonto ay ka sameysan karto, mana muuqato in Soomaaliya ay aqbali doonto kulan kale oo arrintan uu ururka ka yeesho.

Waxa ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay diidan tahay ayaa ah; in arrintan loo rogo khilaaf ka dhaxeeya labada dhinac oo u baahan in wada-hadal laga galo, halka xaqiiqda ay tahay in Itoobiya ay xadgudub ku sameysay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.