Khaladka laga fahmay heshiiska golaha wadatashiga

Minnesota (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Golaha Wadatashiga Qaranka uu baahiyay War-murtiyeedka shirkii u dambeeyay ee ku yeeshay Villa Somalia, ayaa waxaa xoogeysaneyay walaaca laga qabo heshiisyada ay Madaxda Golaha ku gaareen shirkaasi.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa si adag uga hortimid, iyaga oo ku tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Haddaba, Maxay tahay arrinta hoos u dhigeysa walaaca laga muujinayo heshiiskan?

Aamiin Haaruun oo ah sharci yaqaan degan Minnesota ayaa waxa uu sheegay in go’aanadda kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay yihiin heshiis siyaasadeed, oo hadda iyo kow u baahan dhaqan-gelin, ee aysan aheyn qaraar kama dambeys ah oo meel-maraya.

Garyaqaan Haaruun ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in heshiiskan siyaasadeed ee gaareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uu ka dhigan yahay “isku-day hal abuur iyo talo soo jeedin”, taasi oo u baahan in laga doodo wixii wanaagsan laga qaato, wixii kalena laga tuuro.

“Sharcigan dhaqan-gal ma ahan, sidaasna maha. Sharci waa wixii Baarlamaanku ansixiyo, guddiyo iyo dooda badan kadib oo hadana madaxweyne saxiixo,” ayuu yiri Garyaqaan Aamiin Haaruun.

“Heshiisyadani waa isku day hal abuur iyo talo soo jeedin loo baahanyahay in laga doodo oo wixii wanaagsan laga qaato, wixii aan fiicnayna laga tuuro. heshiisyadani ugu yaraan waxay furayaan dood iyo aragtiyo wax lagu dhisi karo.”

Garyaqaanka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doodaha noocaan oo kale ah abuurayaan fursado lagu curiyo fikrado loo aayi karo iyo albaabada doodo Qaran.

“Qaranka waxaa lagama maarmaan u ah in mar waliba doodo lagu jiro lagu hagaajinayo dowladnimada iyo adeegyada dadka loo hayo. Sidaas ayaa haboon in loo fahmo.”