Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaliyeed iyo shacabkiisa

Qaybtii 3-aad

Hordhac: Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

Taariikhda iyo asalka xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya

“Waxa hadlayo wasaaradda Arimaha dibadda ee Itobiya 2006”

 Dowladda Itoobiya waxay u jeesatey sidii ay u kala dhantaali laheyd Midnimadii Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyadoo dowladda Itoobiya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay arrintaas u fulin laheyd intey la gaartaba ama u suurta gasho. Siyaasaddan waxay aheyd mid looga jawaabayo “ka hortagga sameysan Soomali weyn” gardarrada Soomaaliya si dagaalka loogu raro Soomaaliya dhexdeeda si ay markaa taa u suurta gashana waxaa la sii huriyay iska soo horjeedka ka dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed. U nuglaanshadii Itoobiya ay u nugleyd khatarta fikradda “Soomaali Weyn” aad ayaa loo yareeyey.

Badda iyo dekadaha Soomaliya

Soomaaliya waxay leedahay dekado aan xisaab laheyn kuwaas oo u adeegi kara dalka Itoobiya. Marka laga soo billaabo dakadda Saylac oo haatan iyo ka horba taariikh ahaan u adeegi jirtey Itoobiya ilaa taas Kismaayo, waxaa jiro dekado aysan tiradoodu ka yareyn ilaa toddoba dekadood oo uu waddankeenna Itoobiya isticmaali karo looguna adeegi karo qaybaha kala duwan ee Itoobiya. Isticmaalka dekadahaas waxay wax weyn ku soo biirin karaan horumarkeenna dalkan Itoobiya, Laakiin maaddaama ay jirtey fikradda “Soomaali Weyn” iska hor-imaadka ka dhashey iyo cabburintii ka jirtey qaranka Itoobiya, weligeedba si dhab ah looma darsin isticmaalka dekadahaas (iyadoon la illaabi Karin in Itoobiya qudheedu leedahay dekedaheeda u gaarka ah “Assab & Asmara) (weli wey sheeganayaan 1993 ayey wareejiyen). Burburka haatan ka jira Soomaliya iyo qarankeedii ayaa ka dhigayaan wax aan la taabba galin karin in haatan lagu fikiro in la isticmaalo dekadahaas.

“Derisnimada nagala dhexeysa Soomaaliaya”

Darisnimada aan wadaagno Soomaaliya waxay faa’iido u ahaan laheyd horumarkeenna haddii ay jiri laheyd nabad iyo xasillooni ka jirta Soomaaliya. Nabad waxay imaan kari lahayd gobalkeenna haddii dowlad u taagan in ay la dagaallanto fowdada, argagixisada, iyo kuwa diinta ku dheggen oo la shaqeysa waddamada dariska ah laga dhisi lahaa Soomaaliya. Dadka qaar ayaaba qaba dowlad noocaas ah oo Soomaaliya laga dhisaa waxay mar kale soo nooleyn doontaa fikraddoodii ahayd “Soomaali Weyn” oo markaas nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya.

Arrinta gobollo Itoobiya aqoonsado waxa ka dhalan kara

Marka waxaa jira arrin aynu ku xaddidi karno dhibka nooga iman kara Soomaaliya iyo qalalaasaheeda Siyaasadeed. Waa in aynu isku dayno in aynu caawinno goballada Soomaaliya ee iyagu haatan xasilloon ee aan iyagu hoyga siin argagixisada iyo kuwa diintooda ku dheggen si markaas deggenaanshahaas ay ku raaxesanayaan uu u sii jiro loona sii adkeeyo. Goballadaas waxaa ka mid ah goballada loo yaqaan Somaliland iyo kuwa loo yaqaan Puntland. Iyadoo la eegayo shucuurta ah in aynu iska yareyno dhibaato noo imaan karta, ayaa ay tahay in aynu caawinno goballadaas si ay u hantaan xasillooni, waana lagama maarmaan in aynu la sameyno xiriir dhinaca ganacsiga ah, is gaarsiinta si loo gaaro danaha dalkeenna iyo danaha dadka goballadaas ku dhex nool.

Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay aqoonsiga Soomaliland oo aynu u aqoonsanno dal madax bannaan maxa ka dhlan? In aynu aqoonsanno Soomaliland madaxbannanideeda dan nooguma jirto maxaa yeeley waxay arrintaas abuuri kartaa dareenno dhibaato wata oo gala Soomaalida kale iyo kuwa kale oo iyana shaki ka qaado damacannaga. Sidaa darteed, iskaashiga aynu la leennahay gobaalladaas waa in aan lagu darin aqoonsi la siiyo maamuladdaas goballada ka midka ah Soomaaliya.

(Qoraalkani waxa uu ka soo baxay “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya” – ka hor intii aan ciidamadeedu gelin Muqdisho Dec 28, 2006) waxa tuarjumay Wali Farah, Ottawa.

Soomaalidu waa dal wada wadaaga diinta islaamka, dhaqan, Af-Soomaali, dhaqan-dhaqaale, kuna wada nool dhulka ugu ballaaran ee Geeska Afrika. Sidaas darteed, dadka intaas wadaaga ayna dagaal qarniyaal badan socday ka soo dhaxeeye Kiristaanka ku nool Itoobiya oo kaashanayay kuwa reer Yurub waxay keenaysay haddaan la qaybin inay noqonayaan awood wayn oo mar walba khatar ku ah marinka Kanaalka Suways ee Badda Cas. Tan kale waa iyadoo quwadihii reer Yurub ay mid walba doonaysay inay saldhig ka ag dhow marinkaas ka samaysato Soomaaliya, si ay danaheeda u ilaashato.

Abdiweli Hassan Mohamed (2008).

Soomaaliya goormaa la qaybiyey

Itoobiya waxa ay ku fikireysay qarniyo badan laga soo bilaabo Minillik II ilaa hadada oo ay ficil in ay u beddesho ay rabto fikirkaas qaldan. Marna warqadda uu ku qornaa fikirka ah in Soomaliya la kala qayb qaybiyo miiska xukkun Addis Ababa lagama qaadin waxaana fuliyey oo qaybiyey Soomaaliya Meles Zenawi.

Maxaa ku dhiiri geliyey Itoobiya hadda fikirka ah qabso Badda Soomaliya?

Waxa ay u argatay inay bislaatay siyaasaddii ahayd qaybi oo xukun oo uu dejiyey Meles Zenawi. Meles Zenawi waxa u suurto-gashay inuu Somali ka ololiyo Dagaallo ugu dambeyntii keenay inay midnimaddii Somalia kala daadato. Soomaaliya hadda waxa ay u qaybsan tahay qabaa’il dowlado lagu magacabay oo Itoobiya shaxdooda dejisay waqti hore. Waxana laga soo galay dastuurka ku meelgaarka ah oo ogolaanaya in ay jiraan madaxweyneyaal aan hoos imaan dowladda dhexe marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah. Halkaas waxa ay itoobiya iyo kuwa kaleba ka heleen fursad ay midwalba heshiis kula galaan iyada oo aan la soo marin dowladda dhexe.

Shacabka Soomaaliyeed ma yeelan kara dowlad qaran oo mideysa awooddooda

Waxa dhib ka taagan yahay helitaan Dastuur qaran oo ilaali kara midnimada Ummdda, mar haddii ay jiraan dowlado dastuur u gooni ah leh oo aan hoos imaaneyn dhaqan ahaan dowladda dhexe. Dowladahaas badankoodu  hadda waxa ay ku mashquulsan yihiin howlihii dowladda dhexe, oo waa kuwaa shirarka ka wada waddamada dibadda, waxa ay qabanayaan shaqadii dowladda dhexe lahayd, maxaa yeelay dastuurku kama reebayo, ama dastuurka lagu dhaqmi maayo. Halkaas waa Meesha Itoobiya ka soo xaluulatay ee heshiisyada Somaliland ugu saxiixday baddeennana ku honguriyeysay. 

Gunnaanad

Ma qarsoona cadowtinimada Itoobiye ee ku dhisan ka dhowridda Soomaliya in ay mar dambe xasilooni ku naalooto, si aysan ugu fikirto waxa la yiraahdo Soomaliweyn. Taas waxaa ka dhashay in ay Soomaliya ka sameyso ama in laga sameeyo ka shaqeyso maamullo isu yaqaan dowladdo oo qaarkood u dhaqmayaan sida dowlado madaxbannaan, kuwaas oo qaarkood leeyihiin wasiiro qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah oo ah shaqadii dowladda dhexe. Waxa loo baahan yahay Dastuur xakameynaya hab dhaqan maamul goboleedyada, haddii kale Soomaliya mideynsan, awood leh laga heybeysto la sugi mayo. Isku duubni la’aanta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu waa Meesha Itoobiye iyo kuwa kale oo sideeda oo kale ula dhaqma dowladda dhexe ay ka soo xaluusheen.

W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
dralasso@snu.edu.so