Kooxda Deni oo ‘si yaab leh’ uga hadashay fadeexadda doorasho ee kusoo baxday

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii u horeysay ka hadashay fadeexad dhawaan ku soo baxday, taasi oo la xiriirta isku day ay kooxda Deni ku rabeen in barakacayaasha Garoowe u adeegsadaan diiwaan-gelinta doorashada ee ka socota maamulkaasi.

Kooxda Deni ayaa loo haysta xad-gudubyo loo geystay dad barakacayaal ah oo degan gudaha caasimadda Garoowe, ayada oo Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland uu shaaciyay in ay soo gaareen cabashooyin la xiriira arrintan, wuxuuna uga digay xukuumadda inay u adeegsato hantida dadweynaha danaheeda gaarka ah.

Qorshaha barakacayaasha loo daad-gureynayay ayaa lagu sheegay in laga diiwaan-geliyo degaanka Beyla oo ka tirsan gobolka Karkaar kadib markii diiwaan-gelinta lagu muransan yahay ee xukuumadda Boosaaso ka bilowday aysan dadweyne badan usoo dareerin.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland, Naciima Cabdiraxmaan Guuleed oo la hadashay telefishanka Universal ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamtay in barakacayaasha loo adeegsado “diiwaan-gelin qasab ah.”

Wasiirada marnaba masoo hadal qaadin fadeexada arrintaan la xiriirta ee dul-hoganeysa maamulka ay ka tirsan tahay, balse waxay ku gaabsatay “in laga waantoobo falalka noocaas oo kale ah.”

“Waxaa u arka in dad la daabuleeyo oo deegaan ay joogaan inta laga raro deegaan kale loo raro oo la dhaho iska diiwaan-geliya waa khalad aad u weyn, xuquuqda bini’aadanahana kaga dhac ay tahay,” ayey tiri.

“Dowladda waa ku howlan tahay oo si degdeg ah ayaa wax looga qabanayo, cidda kale ee ku foojigan ee rabta in arrintaas ku kacdo waa in ay arrintaas ka istaagan. Waa arrin aan qaadacayo in dad la raro, si gaar ah haweenka iyo caruurta yaryar-ka in la kaxeeyo.”

“Tusaale yar ayaa ku sheegaya marka hooyada laga kaxeeyo meesha ay deganeyd ee la geeyo deegaan aysan cidna ka garaneyn fal tacadi bini’aadanimo ah ayey kala kulmi karta oo jidhkeeda loo geysan karo, wasaaradda haweenka arrintaas waa qaadaceysa waana diiday.”

Booliska gobolka Nugaal ee degmada Dangorayo ayaa dhawaan qabtay labo gaari oo ah nooca waaraadka ay Soomaalidu u taqaano, kuwaasi oo laga soo buuxiyay barakacayaal u badan haween iyo caruur oo laga keenay Garoowe.

Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa raba inay ku gacan sareeyaan mashruuca uu ku dhagan yahay Deni ee “doorashada qof iyo cod” taasi oo mucaaridka maamulkaasi ku tilmaameen mashruuca dib usoo laabashadiisa.