Faah-faahin: Laba qarax oo maanta ka dhacay Badda Cas

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada badda ee dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in labo qarax laga soo sheegay Badda Cas, kuwaasoo uu soo wariyey markab ku socdaalayay xeebaha Yemen.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn markabka oo qiyaastii siddeetan KM u jirta dekedda Yemen ee Xudeydah.

Waxay yimaadeen wax yar ka dib markii uu markabku arkay laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah.

Waxaa isa soo taraya weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay gaysanayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.

Waxay sheegeen inay beegsanayaan maraakiibta lala xiriiriyo Israa’iil. Dhowr ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee maraakiibta adduunka ayaa joojiyay ku socdaalka badda cas.

Shirkadda Jarmalka ee Hapag Lloyd, ayaa sheegtay in ay Arbacada go’aan ka gaadhi doonto in ay sii adeegsan doonto marinka badda cas iyo in kale.

Isha: BBC