Labada waji ee Abiy Ahmed: Nabadeeye, dagaal ooge

Bishii Oktoobar 2019, xubnaha Guddiga Nobel ee Norway waxay ku kulmeen xaruntooda caanka ah ee an sidaa uga fogayn cidhifka waqooyi ee dunida. Waxayna go’aamiyeen in Billadda Nabadda ee Nobel 2019 la siiyo Abiy Ahmed Ali oo ah Raisul Wasaaraha Itoobiya. Laba sababood ayuu Abiy ku mutaystay Billadda Nabadda:

  • Go’aankiisi adkaa ee uu ku xalliyay colaaddi ka oognayd xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya.
  • Dadaalkii uu galiyay dhiirrigalinta nabadda iyo is-kaashiga caalamiga ah.

Haddaba, qiimayntan ku slayasan labadan qodob ma mid saxa oo dhammaystiranbaa? Aan miisaanka saarno.

Nabadeeye Abiy

Aan ku billawno qodobka 1aad. Waa run. Abiy Ahmed Ali dadaal wayn ayuu u galay siduu u xallin lahaa colaadda ka oognayd xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya. Geesinnimo ayuuna muujiyay, sababtoo ah ma ahayn arrin sahlan, xoogag badan oo diiddana way jiireen ila iyo haddana way jiraan. Laakiin R W Abiy Ahmed go’aan culus ayuu arrintan ka qaatay. Wuu ku adkaystay. Wuuna ka mira dhaliyay. Way jirtaa inay degdeg, fududayd, iyo farsamao xumo ka muuqdeen sida uu wax u waday iyo habka uu wax u maaraynayay. Hase yeeshee, guud ahaan, Guddiga Nobel ee Norway wuu ku saxnaa siduu u qiimeeyay qodobkan. Waa lagama maarmaan in la xuso, cayaar siyaasadeed laba dhinac ayaa wada cayaarta. Haddii aanu Madaxawaynaha Eritrea taageerin qorshaha Abiy Ahmed Ali ma suuroobeen.

Dagaal Ooge Abiy

Laakiin markaan qodobka 2aad eegno, way adag tahy in la taageero, ama xataa la fahmo, aragtida iyo go’aanka Guddiga Nobel ee Norway. Marka la dhaafo xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya, ma jiraan xogo sugan oo muujinaya in Abiy Ahmed uu dadaal galiyay ama daacad ka yahay nabad dhaba iyo is-kaashi caalamiya. Xaqiiqdii, waxaa la hayaa markhaatiyo cadcad oo muujinaya in Abiy Ahmed uu leeyahay dhaqanka iyo astaamha lagu yaqaanno dagaal oogayaasha. Quruumaha Midoobay iyo dibloomaasiyiin Reer Galbeed ah waxay dhawaan ku eedeeyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed inay qalalaaso iyo xasillooni darro ka waddo dalalka dersika ah sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo kordahya xogaha muujinaya in Abiy Ahmed uu yahay hogaamiye laba wajiile ah oo aan la aamini karin.

Dagaal Guddafadeed ayuu Abiy ka wadaa Soomaaliya

Ciddi doonaysa inay ogaato shaqsiyadda dhabta ah ee Abiy Ahmed ha eegto dagaal guddaafadeedka uu ka wado Soomaaliya. Sannad ka hor, Abiy fara galin cad oo gurracan ayuu ku sameeyay doorashadii Koonfur Galbeed. Halkaa ciidamada Itoobiya waxay ka gaysteen gabboodfallo iyo dambiyo dagaal. Egyagii hore ee Quruumaha Middoobay Nicholas Haysom warqad ayuu u qoray Itoobiya isagoo ka codasday inay sharraxaad ka bixiso faragalinta qaawan iyo gumaadka ay taangiyada ciidamada Itoobiya kula kaceen shacabka magaalada Baydhaba. Abiy iyo taliyayaashiisa weli kama soo jawaabin. Dacwadiina weli way socotaa.

Saddex bilood ka hor, Abiy Ahmed wuxuu Taliska Bari ee saldhiggiisu yahay Harar ka soo diray dayuurado ay saran yihiin ciidamado Komaandoos ah oo ku wajahan magaalo xeebeedka Kismaayo oo ah Caasimada Ku meel Gaarka ah ee Xukuumad Dagaaneedka Jubbaland. Waqtigaa doorasho ayaa ka socotay Kismaayo. Ujeddada Abiy waxay ahayd in ciidamadiisu ay ka sameeyaan Kismaayo wixii ay ka sameeyeen Baydhaba. Laakiin Kismaayo ma ahayn mana noqon Baydhabo. Duullaankan wuxuu ahaa mid leh astaamaha lagu yaqaanno calooshood u shaqaystayaasha la soo kiraysto: qar-iska-tuurnimo, isla wayni, iyo xagjirnimo ku daaban maquunin iyo awood sheegasho. Taa waxay ka cadhaysiisay dadkii lagu soo duulay oo si geesinimo leh uga falceliyay damacii gawaracatada Abiy. Waxaana lagu qasbay cutubyadii Abiy ah inay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay ka soo duuleen.

Maantana, Abiy oo  ay luqunta u sudhantahay Billadda Nabadda ee Nobel wuxuu ciidamo ku soo gurayaa Dawlad Goboleedka Glamudug. Halkaaso la filayo inay doorashooyin ka dhacaan dhawaan. Maanta gawracatadii Abiy waxay ku gaaf wareegayaan Dhuusa Mareeb, iyagoo halkaa ka sii wada dagaal guddaafadeedkii lagu yaqiinay. Sannad gudihii waa markii saddexaad oo uu Abiy faragalin qaawan kula kaco arrimo la xiriira doorashooyin ka dhacaya Soomaaliya.

Sideebuu hoggaamiya faraha kula jira oo aan marmna ka faaruqin dagaal guddaafadeed ku noqon karaa nabadeeye ehel u ah xasilloni iyo is-kaashi calami oo dhaba? Nabad baan kula noolaan Eritrea Soomaaliyana waxaan ku asqaysiin dagaal guddaafadeed ma aha laba is gayda. Ato Abiyow dhan isugu baydh!

W/Q: Xasan Keynaan

Xasan Keynaan wuxuu ahaa sarkaal sare oo Qaruumaha Midoobay uga soo shaqeeya Afrika, Asiya iyo Yurub.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid