Maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira xaq ma u leeyihiin inay sameystaan ciidamo militari ah?!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka waxaa uu dhib badan ka heystaa maamullada hubeysan, dowlad goboleedyadaas hubeysan waxaa ay Khatar ku yihiin jiritaanka dowladnimo, Dastuurka dalka waxaa ku qoran in maamul goboleedyada aanay sameysan Karin wax ka badan Booliis, lakin dastuurkii ayaa la garab maray.

Su’aalo badan oo ku saabsan  ciidamada hubeysan ee dowlad goboleedyada heystaan ayaan hordhignay Abuukaate Dahir Maxamed Cali oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Dahir Maxamed Cali oo ah Abuukaate ayaa sheegay in Ciidamada maamul goboleedka aanay xaq u laheyn sida ku qoran Dastuurka dalka Cutubkiisa 5-naad qodobkiisa 54-aad oo qeexaya 4 shey ama arrimood oo u gaar ah dowladda Federaalka, wixii ka soo hara waxaa ka wada hadlaya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Qodobka 54aad. Kala qaybinta Awoodaha 

Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Dawladda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:

  1. A) Arrimaha Dibadda B) Difaaca Qaranka          C)Jinsiyadda iyo Socdaalka  D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso dowladda federaalka.

Hadaba Qodobkaas waxaa ku jira Xarafka B oo ka hadlaya Difaaca Qaranka oo ah Militariga, Militarina waxaa uu gaar u yahay dowladda Federaalka.

“Militari waxaa uu gaar u yahay dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah ma sameysan karaan haba yaraatee ciidamo Militari, waana mamnuuc in ay sameystaan”.

Dahir Cali waxaa uu qiray in hadda ay hubeysan yihiin dowlad goboleedyada isagoo ku taliyay in dowlad goboleedyada ku ekaadaan awoodaha uu dastuurka siinayo oo aanay dhinac marin.

Abuukaate Dahir Maxamed Cali waxaa uu qabaa mar haddii xligan lagu guda jiro dib u eegista ku saabsan dastuurka waxaa laga maarmaan ah in awoodaha dowlad goboleedyada lagu qeexo dastuurka dalka, awoodahaas oo kala ah: Awoodo gaar u ah Federaalka, Awoodo u gaar ah dowlad goboleedka iyo awoodo ay wadaagaan, arrintaas uu ku celceliyay in aan loo dhaafin baarlamaanka, maadaama arrinkan uu yahay aasaasi.

“si looga badbaado muranno, awoodda goboleedka in lagu qeexo dastuurka, waxa ay xaq u leedahay dowladda federaalka, kuwoo gaar ah dowladaha xubnaha ka ah iyo waxyaabaha ay iskala shaqeyn karaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, haddii lagu qeexo dastuurka wax walbo waxaa laga fogaan doonaa isku dhacyo is fahamdarro”

Mar uu ka hadlayey heshiisyada ay galaan dowlad goboleedyada ee ay la galaan dowlado shisheeye waxaa uu ku tilmaamay in ay ka hor imaaneyso dastuurka dalka sida ku qoran qodobka aan soo sheegnay, mana jirto dowlad goboleed heshiis la gali karto dowlad kale, xaqaas waxaa leh dowladda federaalka.

“ sida qoran qodobka 54 ee dastuurka, arrimaha dibadda iyo xiriirka caalami ah waxa ay gaar u tahay dowladda federaalka, mar haddii laga hadlaayo iskaashi Militari, Maalgashi, Hub iyo Shidaal qoditaan waxyaabahaan waa in loo dhaafaa dowladda federaalka”

Dhinaca kale Abuukaate Dahir waxaa uu soo jeediyay in dowladda federaalka ay la timaado siyaasad cad oo ku saabsan qaadashada ciidamada qaran isagoo meesha ka saaray in dowlad goboleedka ay keento ama ciidan ku soo darto Militariga ama ciidan oo dhan.

Ugu dambeyntii waxaa uu ka hadlay in maamul goboleedyada ay yeelan karaan Booliis, Nabad sugid ama Asluub, kuwaas oo xitaa galaya wada xaajood dhex mara dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com