Madasha Siyaasadda P/L oo bayaan culus kasoo saaray tallaabadii golaha wasiirada

Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabada uu qaaday Golaha Wasiirada maamulkaasi, ee uu ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.

Bayaan kasoo baxay Madashaan ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaasha isbeddel-doon ah ayaa waxaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan ku xad-gudubka Dastuurka Puntland ee maamulka muddada yar u harsan tahay ee uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo isagu caadeystay ku tumashada shuruucda maamulkaas, sida lagu yiri bayaankan.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansixin ku sheega sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraddu ay 4-tii May 2023-ka wax uga baddaleen Dastuurka Puntland.

Madasha ayaa waxay ugu baaqday madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xukuumaddiisa inay joojiyaan wax ka badalka Dastuurka, islamarkaana aysan kusii dhiiran ku xad-gudubka Dastuurka maamulkaasi.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay Maxkamadda Dastuurka ugu baaqaysaa inay hor istaagto ku xad-gudubka Dastuurka oo ah heshiis bulsho, islamarkaana ay gudato ilaalinta dastuurka oo ah waajibaadkeeda Dastuuriga ah,” ayaa sidoo kale lagu bayaanka madasha.

Sidoo kale waxay madasha siyaasadda ugu baaqday Baarlamaanka Puntland in uusan ku dhex milmin damaca siyaasadeed ee Saciid Deni, ayna qeyb ka noqon curyaaminta geedi socodka hanaanka dowladnimo, una horseedin Puntland hubanti la’aan siyaasadeed iyo amni.

“Madashu waxay Isimadda Puntland ugu baaqaysaa inaynaan indhaha ka laaban burburka dowladnimo ee uu wado madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay. Sidoo kale waxay shacab weynaha reer Puntland ugu baaqaysa in si buuxda looga hor-yimaado ku takri-falka awoodda dastuurka.”

Bayaanka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay ku cadeysay in xaalad kasta oo ka dhalata damaca arrintaan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Warkan kasoo baxay Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus maamulka Puntland ayaa waxa uu imanaya saacado kadib markii ay Golaha Wasiirada Puntland ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi.

Golaha ayaa sheegay in go’aankan uu ku meel-mariyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi u cuskaday dalabka ururada siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, taasi oo uu markii hore gadaal ka riixayay madaxweyne Deni.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.