Madaxweyne Xasan iyo Deni midkee ayey u toosi doontaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa mid walba si gaar ah wuxuu u tijaabinaya aragti isbeddel ah.

Xasan Sheekh wuxuu rabaa isbeddel saameynaya guud ahaan Soomaaliya, halka uu Saciid Deni rabo isbeddel saameynaya Puntland. Labada isbeddelba waxay leeyihiin dad siyaasiyiin ah oo diidan.

Deni wuxuu tijaabinaya inuu Puntland ka hirgeliyo nidaamka asxaabta badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Halka uu Xasan Sheekh si heer federaal ah u tijaabinayo inuu beddelo haykalka dowladnimada isaga oo dalka siinaya ku dhaqanka hanaan madaxweyne iyo ku-xigeen, inuu taas meel-mariyo ayaa ku xiran inuu dastuurka dhameystiro oo baarlamaanka mariyo.

Labada tijaaba ma sahlana. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ololihiisi doorashada ku ballan-qaaday in uu dhameystiri doono dastuurka, haddii la doorto.

Madaxweyne walba oo tega Villa Somalia ayay taasi qorshaha ugu jirtaa laakiin inta badan waa laga baqaa markii doorashada dhacdo.

Farmaajo ayaa 2017-kii xukunka ku qaatay qoddobo ay kamid ahaayeen inuu dhameystiri doono dastuurka, laakiin waa ku dhici waayay intii uu xafiiska joogay. Dadka qaarkii waxay yiraahdan uma aheyn mudnaan ee waa uu awooday in uu dhameystiro.

Haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu taas ku guuleysto waxay ka dhigan tahay inuu xirmay mashruucii ugu dheeraa ee lacag laga bixiyo marka laga hadlayo dowladnimada Soomaaliya.

Tijaabinta arrimo waaweyn sida dhameystirka dastuurka iyo isbeddelka hanana dhismeedka qaranka ayaa dhinaca kale lagu fasiri karaa inuu madaxweynaha ku tijaabinayo awooddiisa hoggaamineed.

Saciid Cabdullaahi Deni isna culeys badan ayaa ka haysta inuu beddelo habkii lagu imaan jiray xukunka maamulka Puntland. Maamulkaas ayaa tan iyo 1998-dii waxaa madaxda dooran jiray 66 Xildhibaan oo ay soo qoraan odayaasha qabaa’ilka.

Inuu Deni beddelo habkan oo uu qabto doorasho qof iyo cod waxay ku jirtay waxyaabihii loo doortay. Waqtiga u dhiman oo aad u yar ayay dadka qaarkii ku diidan yihiin dhaqan-gelinta qorshahaan iyaga oo uga dhex jeeda muddo kororsi.

Xasan Sheekh iyo Saciid Cabdullaahi Deni waxay u muuqdan inay ku adkeysanayaan isbeddelada ay damceen ama ay hore u ballan-qaadeen.

Waxa laga dhaxli doono haddii ay dhaqan-galaan isbeddeladani ma xuma, laakiin habka ay labadan rabaan inay u dhaqan-galiyaan isbeddeladan ayaa wata xooga cabsi federaal ah iyo mid heer maamul goboleed ah.

Isku xaalad kuma sugna madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni. Mid waxa uu haysta hal bil iyo dhowr cisho si uu isbeddelkiisa u dhaqan-geliyo, midna laba sano iyo bar, waana midda keenaysa in aan isku dhibco la siin marka laga doodayo kuma ayaa haysta fursad uu ku dhaqan-galin karo isbeddelka uu damacsan yahay.

Waxaase dhinaca kale jira farqi u dhaxeeya dhinacyada raba inay isku-dayadaan beeniyaan. Xasan Sheekh ayaa wajahaya koox culus laakiin wuxuu haysta waqti uu wax ku kala fur-furi karo.

Labadaan isbeddel waa kuwa ugu waaweyn ee maanta ka taagan Soomaaliya, waxaana la eegaya midka dhaqan-gal noqda waqtiyada soo aadan, ama haddii ay labadaba fashilmi karaan.