Madaxweyne Xasan ‘loo joojin maa’ ma ku dhameysan doonaa muddo xileedkiisa?

Dacaayada baraha bulshada ee lagu bixiyo dhaqaalaha si loo aflagaadeeyo dadka reer Puntland oo Soomaalinimo wax walba u huray!.

Sanadadan danbe waxaa soo batay dad baraha bulshada ku faafinaya Puntland baa waxdiiday? Su’aaahu waxa weeye maxay Puntland diiday oo dan ah?.

Sida aan wada ognahay Puntland waa meesha kaliya dadkeedu burburkii kadib bilaabeen baadi goob soomaaliwayn. Ilaa haddana ay tahay qodob muuhiim ah oo ku yaal tastuurkooda.

Buugga ay qortay Asho Gele baa waxay ku xustay “in labadii maamul ee Puntland ugu horeeyay waa Cabdullahi iyo Cade AUN ay aad xoog u geliyeen raadin Soomaaliya naf iyo maalba wixii lahayay xamar loodiray. Puntland laga galay xaqdaro in ciidamadii dawlaada musheerkooda labixin waayay.”

Maanta 10-ka wiil oo reer Puntland aad waraysato 8 kamida waalidiintood waxay naftooda u waayeen xoraynta Villa Xamar!.

2009-kii bay Puntland-ta dhabta ah bilaabmatay hase yeeshe illaa maanta 26-jirka ku dhashay, ku caqliyaystay, ku barbaaray Puntland kuna helay nol, amni iyo waxbarasho tayo leh hadii aad waraysato waxaa ka dhex guuxaya rabitaan ama Soomaaliya oo guulaysata in ay muhiim u tahay.

Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo. Tusaale, madaxweyne Farmaajo waxaa lagu xasuustaa in heer dagaalkiisu gaaray in uu caruurta waxbarashadooda siyaasadeeyo, taasi oo ah mid aad u fool xun weliba xiliyada ciyaalku imtixaan u fariisanayaan in jees jees loola soo fariisto saxaafada. Damiirximo!.

Halka maamul goboleedyada Soomaaliya 2020 dastuur loo sameeyay, Dawladda Puntland waxaa ka jira nidaam soobilaabmay 1998-kii dadkeeduna waa dad fahamsan dowladnimo iyo waxa ay dawlad uga baahan yihiin. Waa dad fahamsann isla xisaabtan waana sababta keentay in aysan waxwalbo oo khiyaali xuquuqdooda kasoo horjeeda qaadan.

Madaxwayne Xasan Sheekh “loo joojin maa” ma ku dhamaysanayaa 2-da sano u dhiman?.

W/Q: Marwo Arwala

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.