Madaxweyne Xasan oo hal dollar ka codsaday qof kasta oo Soomaali ah + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin ka bixiyay olole cusub oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in qofkiiba uu hal dollar ku darsado barnaamijka difaaca dalka iyo xoreynta dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Wasiirka warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ololaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha looga dan leeyahay dardar-gelinta howl-galada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kuwaasi oo si habsami leh uga socda qeybo badan oo dalka.

“Tallaabadan ayaa loogu tala-galay in lagu dardar-geliyo howl-galada Khawaarijta iyo in shacabka fursad loo siiyo in markale door weyn ku yeeshaan howl-galada, iyaga oo awalba ay shacabka qeyb ka ahaayeen howl-galada milatari ee socday,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay akoono iyo lambaro loogu tala-galay in shacabku ay kusoo shubaan qaarankooda ku aadan howl-galka socda, kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howl-galadii u dambeeyey ee todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay gobolada dalka.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay kula wareegeen deegaano horleh.

Afar maamul goboleed ayuu sheegay in howl-galada laga sameeyey, kuwaasi oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, isaga oo xaqiijiyay in howl-galadaas lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.