22 Janaayo 1905 Axaddii-Dhiiga (The Bloody Sunday) waa maalintii ay ciidanka Tsar Nicholas II ee Ruushka ay dileen wadaadkii Georgy Gapon ee hogaaminayay mudaharaad nabadeed. Halkaas oo lagu xasuuqay dad kabadan boqol qof maalintaas magaalada St. Petersburg. Dhacdadaan waxaa keenay dhowr arimood oo is biirbiirsaday; dhaqaale xumo, nolosha oo adkaatay, lahaanshaha dhulalka oo loo diiday shacabka, shaqo la’aan, dagaalkii Russo-Japanese War oo socday iyo Nicolas 2 oo awoodii gacantiisa kusoo uruuriyay, dadkuna ay u oomanaayeen isbedel. Intaas waxaa kasii cuslaa oo arrinta sii-riixayay dunida oo kasii tageysay qoysas boqortooyo iyo dad kooban inay xukunka iska haystaan. Dhacdadaas waxaa kadhashay kacaankii Ruushka ee loo yaqaanay Bolsheviks, in la burburiyay boqortooyadii, lana dilay Tsar-kii loo haystay aabihii dadka iyo dalka iyo in kooxdii Lenin ee Bolsheviks ay xukunka qabsadeen, halkaana kadhalatay Communist Party iyo Soviet Union loolanka dunida qayb ka ahaa illaa sanadkii 1990.
Jimcihii Madoobaa July 1989 – Masjid Cali Suufi
Dhacdadaas Ruushka haddaan sawirkeeda soodhoweysano (Zoom in) oo xaalad Soomaali ku eegno waxay ina xusuusinaysaa Jimcihii Madoobaa 14 July 1989 ee kadhacday Masjidka Sh. Cali Suufi Muqdisho, in askartii Kacaanka ay laayeen shacab mudaaharaadayay oo kayimi salaad jimce. Waxaa arrinka sababo isbiirbiirsaday u ahaa; xukun-mururuqsi, dhaqaale-xumo dhac iyo boob joogta ah iyo qabyaalad. Intaas waxaa kasii xoog badnaa dunida oo tartankii USA iyo Soviet Union soo afjarmayay, usii banbaxday awoodii dunida in USA kusoo uruurto (unipolarity & Globalization). Sidaa awgeedna looga takhalusayay nidaamyadii lascoday Soviet-ka, sida Soomaaliya iyo Itoobiya. Natiijadu waxay noqotay in ay sii ballaartaan rabshadihii, dad badan oo shacab ah lagu xiro NSS, qaar la geeyay xeebta Jazeera 15 July oo halkaa lagu tooktay, laguna aasay. Human Rights Watch Africa waxay xusaan dhacdadaas Jimcaha-Madow ilaa 24 July in ladilay 400 ruux. Jabhadihii ay sii hubeeyeen dowlado. Sanad kadib dowladdii Kacaanka dalka way ka carartay, waana la wada ogyahay in dal iyo dadba ka danbeyn oo sidii duurjoogta la isku cunay oo waagaas jiilashii yaacay, jiilashii ay dhaleen, kuwii ay sii dhaleen ku dayacan yihiin duni aysan aqoon, balse qaarkoodna aysan garaneyn dad, diin iyo dal ay kasoo jeedaanba asal ahaan.
Jimcihii talo-xumada Febraayo 2021
Dhacdadaas 1989 haddaan sawirkeeda aad usoo dhoweyno oo keenno 19-Febraayo 2021, masuuliyiintii amniga markaa joogay waxay amar kubaxsheen in xabado nool-nool lagu furo mucaaradkii ahaa madaxdii hore ee dalka oo si nabadeed u mudaaharaadayay, iyagoo ay kamid ahaayeen Madaxweynaha iyo xulafadiisa hadda jooga. Qaybo iyaga kamid ah oo lagu tuhmo fudeyd badan ayaa ka dhawaajiyay in loo noqonayo 1991, iyagoo tixraacayay dhacdadaas kore. Qaybo kale oo amniga magaalada hayay, kana mid ahaa nidaamkaas wakhtigiisu dhamaaday kahor 2021, ayaa shirarka hoose ku doodi jiray in mucaaradka cagta lamariyo oo aan loo jixin-jixin oo dowladnimo latuso. Raggan oo isla waagaa kusoo fashilmay in ay Axmed Madoobe soo xiraan ama Gedo qabsadaan iyaga iyo Janan oo ahaa mercenary ay isticmaalayeen, sida UAE ugu isticmaashay Ccolombian Mercenaries burburinta Sudan. Nasiib wanaag markan xikmadda ayaa shaqaysay oo labadaa aragti ee xagjirka ahaa toona lama qaadan. Madaxweynihii hore oo ay lataliyeen odayaal aan nidaamkisa kamid aheyn, wuxuu doortay in uu talada dhexda dhigo, doorasho la aado. Waana meesha ay kabilaabatay kala weecashadii isaga iyo lataliyayaashiisii aragtida-dhowaa ee rabay in ay facood ka aargutaan. Ka warran hadii 2021 ay dhacdooyinku isku sii xigxigsami lahaayeen sidii 1989-1991, duni uu Trump wareerinayay markaa?
Arbacadii Dhiig-qubadka Sebtember 2025
Dhacdooyinkaas kore waxay kusoo biyo-dhacayaan dhacdadan Arbaco 24 Sebtember 2025 kadhacday Muqdisho ee lagu laayay wiilal Soomaaliyeed, laguna xabadeeyay isla mucaaradkii iyo madaxdii hore ee dalka oo uu Madaxweyne XSM qayb ka ahaa 2021 iyo hotel Maa’ida! Cidda xabad-ridida amraysa waa taliyayaashiisi amniga ee qaarkood Shiirkole dhufeys kasoo galeen 2021! War maalmuhu kala duwanaa, dadkuna isku ekaa, taarikhduna isa soo celin badanaa, laakin yaraan badanaa inta fahanta, kuna cibro qaadata? Samiira Qayd ayaa qortay halhays xikmad leh oo Kenyaanku leeyihiin “Dhirtii waa isbedeshay, laakin duurjoogtii waa sideedi”!
Talo-xumayaal Talo laweydiiyay – Jihada Caalamku usocdana aan ogeyn
Waayahaan dhacdooyinku waa isku dhowdhow yihiin, hadii qofku doonayo inuu xusuusto oo kucibro qaato taarikhda iyo sunooyinka Rabbaaniga ah. Kamase muuqato hoggaanka dalka jooga in ay yihiin kuwo faham-fog iyo cibro-qaadasho leh. Sababtoo ah waxaa shalay shir degdega isugu yimid RW iyo qaybo kamida Wasiiradiisa iyo amniga, wardiga iyo talada meesha la akhriyay waxay ahaayeen; dowlad ayaanu nahay ee raggan aan soo qabqabano, talo lamida midii ay baxsheen lataliyayaashii nidaamkii hore, lana mid ah midii ay kusoo halaagsameen Kacaankii & Nicolas, hortoodna ay baddu laqday Fircoon markii lagula taliyay (إِنَّ هَؤُلَاءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُون · وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَائِظُونَ). RW-ha aayaddan oo kale ayaa kusocotay oo uu fahmayaa, maadama lasoo baray tafsiirka Quraanka, laakin lama soo barin faham siyaasadeed oo mug-&-baaxad leh oo aayadaha iyo dhacdooyinka taariikh-siyaasi isugu xirmi karaan. Waxaana shirkaas kadhashay in xalay laxiray rag uu kamid ahaa Xaaji Cali Iimaan oo 90-jir ah, beeshiisa aad looga ixtiraamo, lana dhageysto, siyaasad aan kumilmin, aabihiisna oday-nabadoona ahaa. Intaas laguma harin ee siyaasiyiintii la wareeraray ayaa isla xalay jimcihii lasoo hordhoobay ciidamo bandow saaray guryahooda. Nidaamku wuxuu kudooday afganbi, muxuu qof awood doonaya ka afganbin saldhig kuyaal Wardhiigleey, iyadoo Airport-kii & dekaddii daris layihiin ama uu abbaari karo Villada oo awooddu taal ama goobaha talisyada ciidamada?
Maxaan Saadaalin Karnaa?
Talo waa tan Allah, laakin iskuxirka iyo isla akhrinta taarikhda iyo dhacdooyinka waxaanu fili karnaa labo xaaladood in ay dhici karaan:
- Hoggaanka Sare dalka inuu markuu soo noqdo helo waxgarad la taliya oo gacanta kaqabta. Usheega in dunidu ku socoto xaalad isbedel hubanti la’aaneed oo hoggaanka dunidu isku qabsan rabaan dowlado badan (uncertainity and multilpoliarty). Isbedeladda waaweyn ee dunida kadhacana way dhaafiyaan xukunka dadka markaa jooga. Haduu taladaas qaato, wuxuu oran doonaa “Ustaadow intaan New York kumaqnaa ayay nidaamkii kudheeleen, ee rabshada hanalaga qaboojiyo”. Wuxuuna tareenka hoostiisa kutuuri doonaa raggii uu talada uga sii tagey, khadkana uu kasoo hagayay. Waxaan kaloo filan karnaa oday Xaaji Cilmi intuu u yeero oo xaal siiyo. Baryootankaas iyo walaalow ayaa xalka soo dhoweyn karta. Haddii taas kore dhacdo oo la heshiiyo, loona dareero doorasho is-oggol ah, waa la kala badbaadayaa, dalka iyo dalkuna waa inoo harayaan. Nidaamka dunida cusubna waan la jaanqaadi karnaa.
- Tan labaaad; waxaa kusoo xumuumi kara talo-xumaayasha kuhareeraysan, wuxuuna qaadan karaa talooyinkooda ah; in raggaas laweeraro, lana soo qabqabto; Mucaarad madax ahaan jiray oo guryahoodi loogu yimid, waa is-difaaci doonaan, wiilal badana waa la iska leyn doonaa, haddii aysan naftooda ubaqin oo ay qadiyadooda ka tanaasulin. Beelaha ay kadhasheen dibadda ayay usoo bixi doonaan in ay difaacdaan. Dad badan oo dhul iyo hanti laga boobay waxay qayb ka noqon doonaan dagaalka iyo boobka ay soo qaadi doonaan dhalin iyo dad badan oo ay haysato baahi iyo dhib. Argagaxisada Al-Shabaab ee fadhida albaabada Xamar, waxay kafaa’iidaysan doonaan fursadda iskudhaca, waxayna la wareegi karaan xaafadaha dulleedka Muqdisho. Somaliland oo qarka usii saaran in ay kabooddo Qaranka Soomaaliyeed, way kusii farxi doontaa dhacdooyinkan oo u ah fursad ictiraaf u soo dhown karta. Markaana waxaan filno waa xaalad khatar ah oo duni isbedel sii galaysa; in Soomaali beylah u noqoto awoodo is ceyrsanaya iyo duni aan la isku jixin-jixi doonin, kajirin nidaam caalami ah. Waxayna kudhamaan Madaxweynaha oo baxsada ama meel aan fiicneyn ku danbeeya.
Xamar hal arrin ayay kaga duwantahay caasimadaha gobolada kale, waa caasimad lawada degan yahay, waligeedna laguma kala adkaan, dib u jaleec; Kacaankii iyo kacdoonkii, dagaaladii qabqablayaasha, maxaakimtii iyo Itoobiyaankii, nidaamkii hore iyo mucaaradka. MW XSM markuu 25 September u waramayay “Council on Foreign Relations”, waxay talo iyo tusaale ahaan tiri haweenaydii daadihinaysay barnaamijka “peaceful political process”, waa farriin haduu XSM fahmay macnaheedu yahay waxaad sheegayso namagelin’e, waxaad arbacadii samaysay kanoqo. Mucaaradkana waxaa u wanaagsan in ay ka fekeraan sidii dadka iyo dalka ay uga hari lahaayeen nidaamka hadda talada haya.
Ilaahay ha xifdiyo, hoggaan fiicanna haka soosaaro Soomaalida iyo Soomaaliya.
W/Q: Mukhtar Qoransay, Senior Strategist & Geopolitics Expert
[email protected]
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

