Madaxweyne Xasan Sheekh ma ku guuleysan karaa dagaalka uu qorsheynayo?

Xarakada Al-Shabaab ee ku xiran Alqaacidda waxay Soomaaliya si rasmi ah uga dallaamayaan muddo 15 sano ah, iyaga oo aan aqoonsaneyn nidaamka dowladnimo ee ka jira dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dunida ku heshiisay, sida dhowr mar ay warbaahinta ka sheegeen waxa uu hadafkoodu yahay in waddanka ay ka hirgeliyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, sidoo kalana ay caalamka dib ugu soo celiyaan khilaafo Islaami ah.

Dagaalka Al-Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya waxaa naftooda ku waayay kummaan shacab ah, kuwaas oo inta badan ku waxyeeloobay weerarada tooska ah iyo qaraxyada, hase-ahaatee, ma jirto cid haba-yaraatee wax iska weydiisa dhibaatooyinka soo gaara bulshada. dhammaan dowladihii kale dembeeyay ee soo maray Soomaaliya waxay ku dhawaaqayeen dagaallo lagusoo afjarayo kooxdan.

Warbixin lasoo saaray sanadkii 2020-ka oo lagu daabacay bogga waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in qiyaas ahaan  xubnaha dagaallamayaasha ah  ee Xarakadan u dhexeeyaan 5-kun illaa iyo 10-kun oo askari. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markiisii labaad loo doortay xilka ugu sarreeya  dalka 15-kii, May, 2022 ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisa ay geli doono dagaalkii ugu adkaa oo lagusoo gabagabeynayo, waxa uu qeexay in dhowr meelood ay kooxda kala dagaallami doonaan.

Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadiisii kadib casho u sameeyay xubnahii taageersanaa iyo kooxahii siyaasadeed ee kala shaqeeyay in dib loo doorto ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka Al-Shabaab ee hadda socda uu yahay istiraatiijiyad ku dhisan go’doomin iyo in la dhimo awood ahaan, taas oo aan Soomaaliya dan weyn ugu jirin, balse loo baahanyahay in qorshe kaas ka duwan lala yimaado. waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu kala dagaali doonto dhinacyada dhaqaalaha iyo fikirka, iyada oo weerarrada ciidamada ay qaadayaanna la kordhin doono.

Culimada ayaa waxa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan xagga wacy-geinta umadda iyo in Al-Shabaab aan loo aqoonsan kuwa diinta u adeega, sida uu hadalka u dhigay, waxa uu tilmaamay in la dili doono cid walba oo Al-Shabaab  dhaqaale uga aruurisa Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

“Waa la dilayaa qof walba oo dhaqaalaha u qaada, waana la yaqaannaa, iyagaba{Al-Shabaab} wax naxariis ah nooma galaan,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud madashaasi ka sheegay.

Al-Shabaab waxay markaasi kadib weerarro ku qaadeen dhowr magaalo oo ku yaalla Soomaaliya, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta dalka, iyaga oo shalay magaalada Jowhar ka geystay qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah, waxaana ku dhintay dad rayid ah, halka mas’uuliyiin ka tirsan maamulakana  ay ku dhaawacmeen.  Qaraxaasi waxa uu dhacay madaxweyanaha oo dalka ka maqan.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa ku doodaya in haddii dowladda Soomaaliya ay dhowr meel awoodda saarto ay suuragal tahay in la wiiqo xarakada Al-Shabaab, waxaayna kala yihiin kor u qaadidda wacyiga bulshada oo u baahan in si macnawi ah loo dhiso iyo in si dhow loola socda ilaha dhaqaalaha kooxda. Qodobkaan dembe ayaase ah midka ugu caqabadda badan, maadaama Soomaaliya hannaanka la socodka lacagaha ee bangiyada iyo xawaaladaha ay aad u adagtahay.

Inkasta oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay sheegtay in Al-Shabaab ay dagaal la geli doonto, haddana weli waxaa Baarlamanka Soomaaliya horyaalla meel merinta xeerka la dagaallanka argagaxisada, Baarlamankii 10-aad ee dalka ayaa horay gees iska dhigay xeerkaas, arrintaasi oo dad badan ay su’aal iska weydiinayeen.

Machadka ka faallooda amniga ee fadhigiisu yahay Soomaaliya ee Hiraal ayaa waxa uu warbixin uu soo saaray uu ku sheegay in Al-Shabaab ay kamid yihiin Ururrada agagaxiso ee dunida ugu dhaqaalaha badan. kooxdaan ayaa canshuuro ka qaaddo meelo badan oo ay kamid tahay Muqdisho, waxaana sanadkii soo gala lacago malaayiin doollar ah.

Al-Shabaab ayaa weli xoog badan leh, iyada oo uu Ururka Al-Qaacida sidiisii hore uusan awood badneyn.

Inkasta oo uusan madaxweynaha Soomaaliya sheegin waqti cayiman oo dagaalka Al-Shabaab lagusoo gabagabeynayo, haddana waxaa muhiim ah in laga jawaabo su’aasha ah “Soomaaliya illaa iyo intee ayey cudud ahaa iyo dhaqaale ahaan u diyaarsantahay in dalku uu galo dagaal ka dhan ah kooxdan?,” iyada oo Qaramada midoobe ay sheegtay in kala bar shacabka Soomaaliyeed u baahanyihiin gar-gaar Bani-aaddanimo, abaarahii ugu adkaa ee 40 sano soomara dalkana uu hadda la wajahayo.

Marka la isku geeyo arrimahaan oo dhan waxaa muuqanaya in waddanka uu ku jiro mashaakil adag.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la hadlayay dadkii ku dhowaa siyaasad ahaan xilligii doorashada ayaa sheegay in la kordhin doono canshuurta  la qaado, si dagaalka ay Soomaaliya galeyso ay iyada u maalgeliso.waxa uuna sidoo kale meesha ka saaray in xilliga dhow ay furantahay weji kooxdan lagula galo wadahadal.

Inkasta oo aan weli la dhisin Xukuumadda, haddana waxyaabaha la xiriira amniga  iyo xasilinta siyaasadda dalka ayaa ah waxa ugu weyn ee laga sugayo in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay awoodda saarto.