Magacaabista Mahad Salaad ee agaasimaha hay’adda NISA iyo tusaalaha CIA-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo badan ayaa ka dhashay go’aanka xildhibaan Mahad Salaad loogu magacaabay taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA).

Inkasta oo magacaabista Mahad Salaad ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan inuu ku yimid rabitaanka madaxweyne Xasan Sheekh oo aay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha. 

Xubno markii horeba mucaaradsanaa Mahad Salaad iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliilay go’aankan, ayaga oo waxa ugu weyn ee ay ku durayaan ay tahay in Mahad Salaad uusan laheyn khibrad sirdoon iyo mid amni.

Hase yeeshee, inaad noqoto taliye hay’ad sirdoon ma u baahan tahay inaad leedahay khirbad amni iyo mid sirdoon ama aad horey uga soo shaqeysay? 

Aan ka tusaale qaadano hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka, Central Intelligence Agency (CIA oo ah hay’adda sirdoon ee ugu weyn uguna awoodda badan caalamka.

Joe Biden iyo William Burns 

Madaxweyne Joe Biden wuxuu markii uu xukunka la wareegay agaasimaha hay’addan u magacaabay William Burns oo ah diblomaasi rug caddaa ah, oo aan weligiis sirdoon iyo amni midna kasoo shaqeyn.

Kahor xilkan, Burns wuxuu soo noqday ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka 2011 illaa 2014. Waxaa sidoo kale diiwaankiisa shaqo ka mid ah inuu soo noqday safiirka Mareykanka ee Jordan 1998-2001 iyo safiirka Mareykanka ee Ruushka 2005-2008

Burns waxa uu sidoo kale soo noqday kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha Bariga Dhow 2001-2005, iyo ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha siyaasadda 2008-2011. 

Xitaa waxbarasho ahaan, Burns marna sooma baran wax la xiriira amniga iyo ciidamada. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda ka qaatay La Salle University isaga oo bartay taariikhda. Wuxuuna shahaadada Master-ka iyo PhD ku haystaa xiriirka caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadad Oxford ee London. 

Waa sax in CIA-da ay madax kasoo noqdeen shaqsiyaad weligood kasoo shaqeynayey sirdoon ama militariga, sida gabadhii ka horeysay Burn ee Gina Haspel oo sarkaal sirdoon ahaan jirtay, balse taas macnaheedu ma ahan inay ayaga u gaar tahay.

Xitaa hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da oo sidoo kale ka shaqeysa sirdoonka gudaha waxaa madax ka ah Christopher Wray oo aan amni iyo ciidan weligiis kasoo shaqeyn. Wray waa qareen sharciga ka bartay Jaamacadda Yale. 

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad

Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu shahaadada heerka koowaad ee culuumta siyaasadda (Political Science) ka qaatay Jaamacadda October 6 ee Qaahira, isaga midda heerka labaad ee xiriirka caalamiga ahna uu ka helay Jaamacadda Cairo. 

Waxa uu sidoo kale muddo ka badan 10 sano soo ahaa xildhibaan federaal, isaga oo xubin ka noqdo guddiyo heer federaal oo dhowr ah. Wuxuu sidoo kale xilal wasiiro dowle. 

Waxa ugu muhiimsan ee madaxweyne uu ka doonayo qofka uu ka aaminayo gacan ku haynta sirta qaranka waa aaminaad iyo inuu ku kalsoon yahay, islamarkaana si wanaagsan wax u maamuli karo.

Hay’adda NISA waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ay aheyd hay’ad ka leexatay tubteedii. Waxaa loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed, waxaa ku dhexmilmay Al-Shabaab, waxaana ay noqotay goob tusaale u ah ku takrifal awoodeed. 

Xitaa waxaa jira xog sheegeysa in hay’addan ay dhageysaneysay taleefonada xubnaha kale ee dowladda ama mucaraadka kasoo horjeeday Farmaajo.

Waxay u baahan tahay nadiifin muddo badan qaadan doonto, mana ahan shaqo qof kasta lagu aamini karo, waana taas sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh u doortay qofkii uu islahaa waa ugu aaminaad badan tahay.

Cidna Mahad Salaad kama fileyn inuu dibedda aado ee uu sir soo ururiyo, shaqadaas waxaay u taalla wakiilada hay’adda iyo madax qeybeydyada farsamo.

Haddii diblomaasi uu madax ka noqon karaa CIA, ma jirto wax u diiday xildhibaan Mahad Salaad inuu isna maamulo NISA.