Magacyada 142 shirkad oo ka gudbay wareega 1-aad ee tartanka adeegga Xajka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa shaaciyay in 142 shirkadood ay kasoo gudbeen wareega koowaad ee tartanka adeega Xajka.

Liiska shirkadaha ee uu soo saaray guddiga ayaa waxaa safka hore kaga jiray shirkadaha kala ah E-top Travel Agency LTD, Beledweyne Travel and Cargo Agency, Banaadir Travel Hajj and Umrah Services, Cajami Travel Agency, Injaaz Travel and Tourism Agency iyo HiilSom Travel and Freight Solutions.

Shirkadaha kasoo gudbay wareega koowaad ayaa waxa uu guddiga la yeelan doona wareysi toos ah masuuliyiintooda, ayada oo maanta uu guddiga la kulmay qeybtii u horeysay ee shirkadahaan.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in uu qabanayo haddii ay jiraan shirkado cabasho ka qaba hanaanka ay kusoo baxeen 142 shirkadooda ee kasoo gudbay wareega koowaad ee tartanka adeega Xajka ee sanadkaan.

“Haddii ay jiraan muwaadiniin cabasho qabta ha usoo gudbiyaan cabashadooda guddiga hana keenaan xarunta wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023.

Guddiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kala xulista shirkadaha soo xareystay tartanka adeega Xajka, kuwaasi oo la shaaciyay in qaarkood ay kusoo xareysteen tartanka dukumintiyo been abuur ah, sida Shati aan jirin oo loo eekeysiyay mid shaqeynaya oo sax ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale bilaabay baaris la xiriirta shirkadahaasi ku eedeysan inay sameysteen dukumintiyo been abuur ah, si ay uga qayb-galaan tartankii loogu jiray Xajka.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa uu baaris ku hayaa shirkado ku eedeysan been abuur dukuminti, kuwaas oo dukumintiyada dowladda si been ah abuur ah u sameystay ayaga oo ujeedadoodu aheyd ka qayb-galka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa intaasi ku daray in shirkadahaasi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayada oo lagula xisaabtami doono falka ay sameeyeen. Sidoo kale waxa uu diginiin u diray dhamman shirkadaha iyo shaqsiyaadka isku-daya sameynta been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan.

Hoos ka arag liiska shirkadaha